Kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday shaqsiga uu la hadlayay ee ay wax dhex mareen kahor intii uusan bedel ku bixin kulankii ay xalay guuldarrada 2-1 ah kala kulmeen South Korea.
South Korea ayaa wacdarro ku dhigtay Portugal oo iyagu horeba u gudbay kaddib gool xilli dambe ay ka dhaliyeen oo ay ku xaqiiqsadeen inay booska labaad ee Group-ka kala baxeen Uruguay.
Kahor intii aan bedelka lagu samayn ayaa la arkayay Cristiano oo qof aamusiinaya isagoo fartiisa afka saaraya iyadoo la sheegay inuu qofkaasi yahay tababarihiisa xulka Portugal ee Fernando Santos.
Kulanka kaddib ayuu Ronaldo oo sharaxaad bixiyay shaaciyay inuusan macalinkiisa la hadlayn ee uu la hadlayay xiddig South Korean ah oo ku amray inuu degdeg uga baxo garoonka.
“Wixii dhacay wuxuu ahaa in kahor bedelkaygii ciyaartoy South Korean ahi ii sheegay inaan dhakhso uga baxo garoonka. Waxaan u sheegay inuu aamuso maadaama oo aysan awoodiisa ahayn, ma jirin wax khilaaf ah (Oo tababaraha kala dhaxeeyay)”.
Ronaldo ayaa doonaya inuu gaadho rekoodhka goolasha koobka aduunka xulkiisa oo uu Eusebio sagaal gool ku haysto, arrinta cajiibka ah ayaa ah in Eusebia kaliya koobkii aduunka ee 1966 uu dhammaan goolashaas kasoo dhaliyay halka Ronaldo shan koob aduun siddeed gool leeyahay.