Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo Oo Magan-galyo Ka Raadinaya Carabta Kaddib Markii Uu Ka Tegay Garoonka Tababarka Real Madrid

by Abdiwahab Ahmed
December 20, 2022
0
DAAWO Cristiano Ronaldo Oo Oohin Uga Baxay Garoonka Xilli Riyadiisii Koobka Adduunka Ay Morocco Dishay

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaan la arag meel uu jaan iyo cidhib-dhigay kaddib laba maalmood oo uu tababar ku qaatay garoonka Real Madrid ee Valdebebas, halkaas oo uu kusoo qaatay sannadihii uu ugu farxadda badnaa noloshiisa.

ADVERTISEMENT

Ronaldo oo niyad-jab ka qaaday Koobka Adduunka oo uu kursiga kaydka la geliyey ka hor intii aanay ku hadhin wareegga siddeedda, sidoo kalena ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay bishii November, ayaa waxa uu hadda yahay koox la’aan.

37 jirkan oo dhowaan beeniyey in uu heshiis laa gaadhay kooxda reer Sucuudi Carabia ee Al Nassr, ayaa waxa la sheegay in uu hadda ku sugan yahay magaalada Dubai oo uu si qarsoodi ah ku tegay, halkaas oo uu doonayo inuu kaga nabad-galo saxaafadda dariiqyada u taagan ee su’aalaha ku miisaya.

Ronaldo ayaa la sheegay in uu magaalada Dubai usii dhaafi doono magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudiga  oo maalmaha soo socda uu ka degi doono, sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, halkaasna uu ku saxeexi doono heshiis uu kaga mid noqonayo kooxda Al Nassr oo ka dhigi doonta ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida.

ADVERTISEMENT

Marca waxa uu intaa ku daray, in kooxda xarunteedu tahay Riyadh ee Al Nassr ay sugayso inta uu Ronaldo soo gaadhayo Sucuudiga si ay ugu dhawaaqaan heshiis laba sannadood iyo badh ah oo sannadkiiba uu xiddigani ku qaadan doono mushahar gaadhaya 200 milyan oo Euro.

Sidoo Kale Akhri

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

January 28, 2023
Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

January 28, 2023

Ciidda masiixiga ayaa uu Ronaldo joogi doonaa magaalada Dubai, iyadoo toddobaadka dambena uu u duuli doono Sucuudiga si uu heshiiska ugu saxeexo Al Nassr.

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaan illaa hadda xaqiijin inuu tegayo kooxda reer Sucuudi Carabiya, sidoo kalena waxa arrintan ka aamusan wakiilkiisa, balse waa dookha ugu fiican ee uu haysto marka laga eego dhaqaalaha uu helayo iyo xaaladda uu ku jiro waqtigan.

ADVERTISEMENT
Share329Tweet206
ADVERTISEMENT

Related Posts

Muxuu Kaga Duwan Yahay Tababarayaashii Hore? Akhriso Heerka Cajiibka Ah Ee Chelsea U Gaadhay Graham Potter

Waakan Tababaraha Weyn Ee Shaqada Chelsea Ku Tashanaya Xilli Ciyaareedka Dambe

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Chelsea ayaa gudaha xilli ciyaareedkan uun la saxeexatay tababare Graham Potter oo uu sidoo kale mulkiile Todd Boehly lacag aan...

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Arsenal iyo guud ahaan jamaahiirta kooxdaas ayaa werwer kala laabtay kulankii FA Cup ee ay xalay ku hadheen...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.