Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Champions League

Cristiano Ronaldo Oo Laga Tirtirayo Buugga Taariikhda Champions League Kaddib U Wareegistiisa Sucuudi Carabiya

by Abdiwahab Ahmed
January 3, 2023
0
Cristiano Ronaldo Oo Laga Tirtirayo Buugga Taariikhda Champions League Kaddib U Wareegistiisa Sucuudi Carabiya

Cristiano Ronaldo ayaa laga tirtiri doonaa buugga taariikhda Champions League kaddib markii uu u wareegay kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al Nassr oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood iyo badh ah, waxaana arrintaas ka faa’iidaysan doona Lionel Messi oo doonaya inuu masaxo taariikh kasta oo uu Champions League ku lahaa Ronaldo.

ADVERTISEMENT

CR7 ayaa markii ay Manchester United burburisay qandaraaskiisa waxa uu iskaga baxay kubadda cagta Yurub, waxaanu u saxeexay Al-Nassr oo uu sannadkii mushahar uga qaadan doono £173 milyan oo Gini. Laakiin taas beddelkeeda Lionel Messi ayaa xilli ciyaareed fiican la qaadanaya PSG waxaana uu rajaynay in uu kul guuleysto Champions League xilli ciyaareedkan.

Haddii uu Lionel Messi sannadkan ku guuleysto Champions League, waxay sinmi doonaan Cristiano Ronaldo oo ay noqon doonaan labada ciyaartoy ee ugu guulaha badan tartankan, laakiin Leo ayaa loo badinayaa inuu sannad kale u saxeexi doono PSG oo uu dhaafi karo Ronaldo.

Ronaldo1

ADVERTISEMENT

Rikoodho badan oo Champions League ah oo Cristiano Ronaldo gaar u ah ayaa uu dhaafi doonaa Messi, waxaana uu sidaas kaga tirtiri doonaa rikoodhadan khaaska u ah xiddigan Portugal, waxaana rikoodhadaas ka  mid ah:

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Ciyaartoyga ugu safashada badan Champions League

Ronaldo waxa uu ciyaray 183 kulan oo Champions League ah, halka Lionel Messi uu illaa hadda dheelay 161 kulan. Xiddiga Argentina waxa uu xilli ciyaareedkan haystaa toddoba ciyaarood oo ay kooxdiisu socon karto illaa finalka, si uu usoo gaabiyo farqiga Ronaldo, isaga oo xilli ciyaareedka dambena dhaafi karaya.

Goolasha ugu badan ee Champions League

Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga ugu goolasha badan tartanka Champions League, waxaana uu dhaliyey 140 gool. Lionel Messi oo ah ciyaartoyga kaalinta labad ku jira ayaan wax badan ka hoosaynin, waxaana uu saxeexay 129 gool oo Champions League ah oo afar ka mid ah uu xilli ciyaareedkan socda saxeexay. Lionel Messi ayaa kaliya ka dambeeya Ronaldo 11 gool.

ADVERTISEMENT

Goolashii ugu badnaa ee xil xilli-ciyaareed laga dhaliyo Champions League

Xilli-ciyaareedkii 2013-14 ayuu Cristiano Ronaldo dhaliyey 17 gool oo Champions League ah, waana laacibka ugu badan ee sidaa sameeyey.

Lionel Messi waxa uu rikoodhkiisa gool-dhalinta Champions League ee ugu fiican sameeyey xilli ciyaareedkii 2011-12 oo uu dhaliyey 14 gool. Waxa uu Messi fursad u haystaa inuu gaadho rikoodhka Ronaldo si uu meesha uga saaro taariikhdan lagu xasuusanayo laacibka Portugal.

Goolasha ugu badan ee wareegyada isreeb-reebka Koobka Adduunka

Laga bilaabo wareegga 16-ka illaa finalka Champions League, Ronaldo ayaa ka  dhaliyey 67 gool, halka Lionel Messi uu saxeexay 49 gool. Waa tiro badan marka loo eego da’da Lionel Messi uu jiro iyo tirada goolasha oo ah 18 gool, balse 35 jirkan ayaa u muuqda in aanay wali da’du wax saamayn ah ku lahayn.

Ciyaartoyga ugu badan kabta dahabka Champions League

Toddoba jeer ayuu Cristiano Ronaldo noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan tartanka Champions League, halka Lionel Messi uu lix jeer ku guuleystay kabta dahabka ee Champions League oo markiisii ugu dambaysay ay ahayd xilli-ciyaareedkii 2018-19.

Afar gool ayuu Messi xilli ciyaareedkan ka  dhaliyey Champions League, balse waxa uumin saddex gool ka dambeeyaa Kylian Mbappe iyo Mohamed Salah oo min toddoba gool dhaliyey. Si uu usoo qabto Cristiano Ronaldo waa inuu dhaafo labadan ciyaartoy oo uu ku guuleysto kabta dahabka ah ee Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Guulaha ugu badan Koobka Champions League

Ronaldo shan jeer ayuu ku guuleystay Champions League. Afar ka mid ah waxa uu la qaaday Real Madrid iyo hal mar oo Manchester United ah.

Lionel Messi ayaa isaguna afar jeer kula guuleystay Barcelon, hadda ayaanu markisii shanaad raadinayaa. Si uu taariikhdan uga tirtiro Ronaldo, waxa uu u baahan yahay laba koob oo Champions League ah inuu la qaado PSG.

Ciyaartoyga kaliya ee saddex final oo Champions League ah goolal ka  dhaliya

Ronaldo waxa uu goolal ka dhaliyey final oo Champions League ah, laakiin Lionel Messi laba jeer oo final ah ayuu shabaqa soo taabtay. Labada gool ba waxa uu Messi ka dhaliyey Manchester United sannadihii 2009 iyo 2011.

Haddii uu xilli ciyaareedkan tago finalka oo uu gool dhaliyo, waxa uu barbarrayn doonaa Cristiano Ronaldo.

Waxa uu kamid yahay labada ciyaartoy ee kaliya ee dhamaan lixda ciyaarood ee Group-yada Champions League ka dhaliya goolal

Sebastien Haller iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah labada ciyaartoy ee kaliya ee dhamaan kulamada hormooyinka Champions League shabaqa soo taabtay. Ma jiro ciyaartoy saddexaad. Lionel Messi afar gool ayuu ka dhaliyey saddex ciyaarood oo kala duwan oo group-yada aha xilli ciyaareedkan, waxaana la joojiyey labadii kulan ee Juventus.

Si uu usoo qabto Ronaldo iyo Haller, Lionel Messi waa inuu sugo xilli ciyaareedka dambe oo uu kooxaha wareegga group-yada goolal ka dhaliyo is-aragyada oo dhan.

Ciyaartoyga kaliya ee 11 kulan oo Champions League oo xidhiidh ah goolal ka dhaliyey

Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee sameeyey 11 ciyaarood oo isku-xiga oo Champions League ah oo shabaqa lala saaxiibay. Lionel Messi kaliya shan ciyaarood oo xidhiidh ah ayaa uu goolal ka dhaliyey Champions League sannadihii 2014 iyo 2016.

Share361Tweet226
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.