Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dib usoo rartay baabuurtiisii qaaliga ahayd ee u taallay magaalada Manchester, kuwaas oo maanta oo Salaasa ah loo qaaday magaalada Lisbon ee waddanka Portugal.
Sawirro laga qaaday guriga Ronaldo ka deggenaa magaalada Manchester ayaa waxa muujiyeen baabuur weyn oo ay dhawr baabuur wada gelyaan oo lagu rarayo baabuurta qaaliga ah ee Cristiano Ronaldo.
Kharashka ku baxaya rarka baabuurta Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inay ku baxayso £150,000 Gini, waxaana ka mid ah gawaadhida maanta lasoo qaaday gaadhi noociisu yahay Bentley Flying Spur oo ay xaaskiisa Gerogina Rodriguez u siisay hadiyad xafladdii dhalashadiisa, kaas oo uu qiimihiisu yahay £300,000 Gini.
Laacibkan oo Manchester United ay burburisay heshiiskiisa ka hor intii aanu bilaabmin Koobka Adduunka oo uu bixiyey waraysi xaasaasi ahaa ayaa waxa uu waxa toddobaad kaddib ay baabuurtiisu gaadhi doonaan geerash weyn oo uu ku leeyahay magaalada Lisbon.
Ronaldo ayaa waxa uu magaalada Manchester ku leeyahay hanti ma guurto ah oo uu ku jiro dhisme dabaq ah oo uu qiimihiisu yahay £6 milyan oo Gini, kaas oo aan illaa hadda la ogeyn waxa uu ka yeeli doono.
Arbacadii ayaa la sheegay in Cristiano Ronaldo uu dalab ka helay kooxda Sucuudiga ee Al Nessyr, kaas oo sannadkii uu ku helay mushahar gaadhaya £173 milyan oo Gini.