Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo Oo Jabiyay Rikoodh Ay Dhigi Waayeen Lionel Messi Iyo Kylian Mbappe

by Saed Mohamed
January 7, 2023
0
SU’AAL WEYN: Miyuu Ronaldo Sucuudiga Kula Noolaan Karaa Saaxiibtiisa Uusan Wali Guursan Ee Georgina?

Ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Al Nassr ee dalka Sacuudiga ayaa kicisay shacuurta taageerayaasha wadankaas, waxaana marag ka ah sida loo soo dhaweeyay.

ADVERTISEMENT

Saxiixa xiddiga reer Portugal ayaa si degdeg ah waxa uu sarre ugu qaaday magaca kooxda Al Nassr kuwaasoo barahooda bulshada ay heleen taageerayaal malaayiin ah markii uu Ronaldo ku biirau.

Laakiin weeraryahanka ayaa jabiyay rikoodhka daawashada markii ay Al Nassr u soo bandhigeysay taageerayaasheeda. Xaqiiqdiina waxaa dunida dacaladeeda daawaday dad ka badan intii daawatay finalkii Koobka Adduunka ee u dhaxeeyay France iyo Argentina.

Joornaaliistaha Pedro Sepuleda ayaa sheegay in soo bandhigistii Cristiano Ronaldo ee kooxda Al Nassr inay daawadaan 3 bilyan qof iyadoo laga baahiyay 40 kanaal oo dunida dacaladeeda ah.

ADVERTISEMENT

Waxay tiradaas kor u dhaaftay tiradii daawatay finalkii Koobka Adduunka ee isla 40kaas kanaal, iyadoo Messi iyo Mbappe ay soo jiidan waayeen taageerayaal la mid ah inta uu soo jiitay kabtanka Portugal.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Inkastoo xiddiga Portugal ay iska fasaxday Manchester United, hadana waxaa weli qoorta u suran ganaax ay ku rideen xiriirka kubada cagta Ingariiska, isagoo garoomada laga ganaaxay labo kulan ka dib markii uu taleefan ka jabiyay wiil yar oo taageere u ahaa Everton.

Inkastoo uu wadan cusub iyo qaarad cusub tagay hadana sharciga FIFA ayaa dhigaya in ganaaxa loo wareejinayo horyaalka cusub ee uu ku biiray ee Saudi Pro League, waana sababta uusan Ronaldo weli u dheelin kulankiisii ugu horeysay ee kooxda Al Nassr.

ADVERTISEMENT
Share394Tweet247
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.