Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Cristiano Ronaldo Oo Diiday Tababarkii Maanta Ee Xulka Portugal & Sababta Oo La Ogaaday

by Saed Mohamed
December 7, 2022
0
Ronaldo on the bench

Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa lagu waramayaa inuu diiday inuu tababar la sameeyo maanta xiddigihii shalay kursiga keydka u fadhiyay Portugal, wuxuuna ku adkeystay inuu qolka jimicsiga la aado ciyaartoydii ku soo bilowday shaxdii shalay.

ADVERTISEMENT

Tababare Fernando Santos ayaa keyd geliyay Ronaldo kulankii ay 6-1 kaga badiyeen Switzerland. Wuxuu ciyaarta bedel ku soo galay 15kii daqiiqo ee ugu danbeeyay, sidaasi darteed waxay aheyd inuu maanta qeyb ka noqdo tababarka ciyaartoydii kursiga keydka.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee Marca, xiddigii hore ee Manchester United ayaa diiday tababarkii maanta, wuxuu taas bedelkeeda ka doortay inuu qolka jimicsiga kula biiro xiddigihii shalay ku soo bilowday shaxda Portugal oo maanta soo kabsasho sameynaya.

Lama filaan ayay aheyd markii xarunta Portugal laga waayay Ronaldo oo ay aheyd inuu tababar la sameeyo ciyaartoydii keydka. Ma ahan dhaawac sidoo kalena ma jirto sabab uu qolka jimicsiga u aado.

ADVERTISEMENT

Ronaldo ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo ciyaartoyda keydka isagoo isku arka inuu weli yahay hogaamiyaha shaxda xulka Portugal.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Go’aankii uu tababare Santos keydka ku geliyay Ronaldo ayaa soo gabagabeysay 31 kulan uu xiddigii hore ee Real Madrid ku soo bilowday shaxda Portugal tartamada waa weyn taasoo ka soo bilaabaneysa Euro 2008.

Tababare Santos oo hogaaminaya Portugal tan iyo 2014kii ayaan la dhicin sida uu xiddigiisa uga falceliyay in la bedelay daqiiqadii 65aad ee kulankii ugu danbeeya wareega guruubyada Koobka Adduunka oo ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay South Korea.

ADVERTISEMENT
Share513Tweet321
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.