Labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa kuwo kala guura u ahaa Cristiano Ronaldo iyadoo isbedeladii ugu waaweynaa ku dhaceen waayihiisa ciyaareed.
Kaddib waraysi muran badan keenay oo uu bixiyay markii uu joogay Manchester United ayay si wadajir ah u kala huleeleen kooxdaas.
Intaas kaddib Ronaldo ayaa ka qayb qaatay Koobka aduunka oo xulkiisa Portugal wareega siddeed dhammadka kaga hadhay Koobka aduunka, kaddib mudo saddex toddobaad ka badan ayuu sugay si uu go’aanka mustaqbalkiisa u gaadho.
Ugu damabyn, Cristiano Ronaldo ayaa heshiis laba sano iyo badh ah ugu biiray kooxda Saudi Arabia ka ciyaarta ee Al Nassr oo uu heshiis qaali ah ku tagay.
Si kastaba, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aad u badani Ronaldo ayay kala tageen wakiilkiisii 20-ka sano ee Jorge Mendes oo masuul ka ahaa arrimihiisa suuqa tan iyo markii uu Sporting Lisbon u ciyaarayay.
Isku dhaca Ronaldo iyo Mendes ayaa lagu sheegay inay sababtiisu tahay waxyaabo badan oo aysan isku raacin oo uu kamid yahay waraysigii uu siiyay saxafi Piers Morgan ee uu ku dhaliilay gabi ahaanba Manchester United.
Wakiilka cusub ee Ronaldo ayaa lagu sheegay Ricardo Regule kaas oo 30 Milyan oo euro ka helay heshiiskii uu Cristiano ugu wareegay Al Nassr.
Mendes ayaa aad ugu fiican inuu kooxaha iyo danaha ugu wanaagsan u keeno xiddigaha uu metelo, inuusan Ronaldo helin dalab koox weyn oo Yurub ah ayaa kamida waxyaabaha xidhiidhkooda xumeeyay.