Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Courtois Oo Dhulka Jiiday Xiddigaha Dalkiisa Belgium & Xulka Uu Taageerayo Inta Ka Hadhay Koobka Aduunka

by Apdihakem Omer Adam
December 4, 2022
0
HORDHAC: Group E – Spain Oo Hortaagan Japan, Germany Oo Rajo Fog Leh, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha Kulamada

Goolhayaha xulka Belgium iyo kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa xiddigaha dalkiisa si weyn ugu dhaliilay fashilkooda koobka aduunka oo ay wareega Group-yada kaga hadheen.

ADVERTISEMENT

Xiddigaha loo yaqaanay “Jiilka Dahabiga Ah” ee Belgium ayaa ku hadhay Group ay la wadaageen Morocco, Croatia iyo Canada xilli inta koobku socday kala qaybsanaan iyo isku dhacyo badani dhexdooda ahaayeen.

Kaddib ceebta koobka aduunka, tababare Roberto Martinez ayaa gabi ahaanba iska casilay shaqada xulka kaddib tartano dhawr ah oo uusan wax koob ah uga keenin.

Courtois oo wax laga weydiiyay arrimaha xulkiisa ayaa sheegay inaysan ahayn in loogu waco jiilka dahabiga ah maadaama aysan waxba kusoo wada guuleysan.

ADVERTISEMENT

Dhinaca kale goolhayaha Real Madrid ayaa sheegay inuu inta ka hadhay koobka taageerayo xulka qaranka Spain oo iyaga koobka la jecel yahay.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

“Way adagtahay inaanu nafahayaga ugu wacno ‘Jiilka dahabiga ah’ marka aanad waxba ku guuleysan” ayuu Thibaut u sheegay Diario AS.

“Ma nihin jiil dahabi ah, waxaanu nahay jiil leh hibo badan iyo ciyaartoy cajiib ah oo Yurub daafaheeda ka kala yimid. Ruushka ayaanu kusoo muujinay inaanu nahay Belgium kubad fiican ciyaarta, koobka aduunka iyo Euro 2020 maanu ahayn nafahayaga, waa wax laga xishoodo”.

“Haatan waxaan taageerayaa Spain iyaga ayaanan guul u rajaynayaa inta ka hadhay Qatar”.

 

ADVERTISEMENT
Share378Tweet236
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.