Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Costa Rica Oo Guul-darro Lama Filaan Ah U Xambaarisay Japan, Kana Farxisay Jarmalkii Wadnaha Farta Ku Hayey

by Abdiwahab Ahmed
November 27, 2022
0
Costa Rica Oo Guul-darro Lama Filaan Ah U Xambaarisay Japan, Kana Farxisay Jarmalkii Wadnaha Farta Ku Hayey

Xulka qaranka Costa Rica ayaa guushii koowaad ee Koobka Adduunka soo hooyey, waxaanay 1-0 ku garaaceen Japan oo ay ka hor istaageen fursad ay ugu gudbi lahayd wareegga 16ka, taas oo murug hor leh gelisay grouyp-ka E.

ADVERTISEMENT

Costa Rica oo ciyaarteedii koowaad uu xulka Spain ku xasuuqay toddoba gool, ayaa waxay ceebta iskaga maydhay Japan oo iyaguna kulankoodii koowaad guul soo laabasho ah ka gaadhay Jarmalka, taas oo ka dhigan in saddex waddan oo group-kan ah ay haystaan min saddex dhibcood.

Gool uu dhamaadka ciyaarta oo sagaal daqiiqadood ka hadhsan tahay u dhaliyey Keysher Fuller Spence ayaa Costa Rica siiyey guushan oo aanay dad badan filayn, waxaase geesigooda noqday goolhaye Keylor Navas oo bandhig heersare ah sameeyey. Jap

Japan oo haddii ay ciyaartan badin lahaayeen u gudbi lahaa wareegga xiga ayaa waxay iska lumiyeen fursado badan iyaga oo dhamaadkiina uu goolhaye Keylor Navas ka  qabtay kubbad halis badnayd oo laba jeer lagu toogtay goolkiisa.

ADVERTISEMENT

Asano ayaa kubbad ay isku diibeen Morita waxa dedaal badan geliyey Navas  oo uga dhaartay shabaqiisa, laba daqiiqadood kaddibna mar kale ayuu Endo dabad uu ku toogtay goolka Costa Rica waxa soo celiyey Navas balse Asano oo madax ku celiyey ayaa barita dhinaca mariyey.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Daqiiqaddii 81aad ayay Costa Rica dhalisay goolka kaliya ee ciyaarta ka dhashay ee guusha siiyey. Kubbad uu khadka dhexe ka keenay Tajeda ayaa waxa uu u diibay Fuller oo ku dhax maamulay dhawr difaac, kaddibna lugta bidix ku toogtay oo ka dul-qaaday goolhaye Gonda oo soo baxsanaa.

Jap1

Dhamaadka ciyaarta oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Japan heleen fursad fiican oo ay gool u beddeli karayeen. Kubbad uu Mitoma ku qabtay goolka ayaa waxa badbaadiyey Navas, waxaanay ciyaartu sidaas ugu soo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Costa Rica.

Labadan waddan ayaa haysta min saddex dhibcood, waxase ku wehelinaya Spain oo iyaduna saddex dhibcood leh oo Jarmalka la ciyaaraysa caawa, waxaana haddii ay isbaanishku badiyaan ay u gudbi doonaan wareegga xiga ee 16ka, halka Jarmalku ay fursad ka heleen natiijada Costa Rica iyo Japan oo sababaysa inay illaa ciyaarta ugu dambaysa dagaallamaan.

ADVERTISEMENT
Share258Tweet162
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.