Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo xulka qaranka England ee Conor Gallagher ayaa u jawaabay macallinkiisii hore ee Blues ee Thomas Tuchel oo barbar-dhigay N’Golo Kante, xilli uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey laacibkan oo uu qaab amaan ah usoo bandhigay tayadiisa.
N’Golo Kante oo 31 jir ah oo ay Chelsea sannadkii 2016 kasoo iibsatay Leicester City, kulana guuleystay Premier League, Champions League, Europa League, FA Cup, Club World Cup iyo Super Cup ayaa inta badan xilli ciyaareedkan u jiifa dhaawac xataa sababay inuu seego Koobka Adduunka.
Conor Gallagher oo 22 jir ah oo dib ugu soo laabtay Stamford Bridge kaddib xilli ciyaareed uu amaah kusoo qaatay Crystal Palace ayaa waxa xilli ciyaareedkii hore loo magacaabay xiddiga Chelsea maadaama 34 ciyaarood uu dhaliyey siddeed gool, isla markaana ku daray caawin.
Thomas Tuchel oo bishii September shaqada laga caydhiyey, lguna beddelay Graham Potter ayaa waxa uu amaanay Conor Gallagher oo uu sheegay inuu la mid yahay N’Golo Kante, balse laacibkan ayaa isaga oo ka tirsan xulka qaranka England ee ku sugan Qatar, waxa wax laga weydiiyey hadalka tababarihiisa hore, waxaanu ku jawaabay: “Markii uu Tuchel hadalkaas yidhi waan qoslay, waanan yaabay.
“Way iska caddahay inay tahay amaan weyn, xataa haddii aan ahay kala-badh Kante, sababtoo ah waxa aan dareensanahay inuu yahay khadka dhexe ee ugu wanaagsan dunida, illaa hadda marka uu taamka ayahay isaga ayaa ah dhaxda ugu wanaagsan.”