Wariyaha caanka ah ee u dhashay dalka Ingariiska Piers Morgan ayaa mar kale dhexda kaga xiisad uu isagu abuuray ka dib markii uu sheegay in ciyaartoyda xulka qaranka Faransiiska la sumeeyay ka hor finalkii Koobka Adduunka.
France ayaa qaab ciyaareed aad u liita soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta oo 2-0 lagu hogaaminayay ka hor inta uusan Kylian Mbappe badbaadinin dhamaadkii ciyaarta isagoo lagu gool u dhaliyay.
Mbappe ayaa seddexleydiisa dhameystirtay 30kii daqiiqo ee dheeriga aheyd si uu u barbareeyo goolkii labaad ee Messi laakiin France waxaa looga badiyay rigoore.
Si kastaba, iyadoo ciyaartoyda xulka France uu dhex faafay feyrus ay ka soo qaadeen kulankii wareega sideed dhamaadka England, Piers Morgan ayaa sheegay in xanuunkooda uu intaas ka sii halis badan yahay oo la sumeeyay ciyaartoyda Faransiiska.
“Wixii ku dhacay feyrus ma aheyn, ciyaartoyda Faransiiska sida cad si ku talogal ah ayaa loo sumeeyay” ayuu Morgan ku soo qoray bogiisa Twitter.
Piers Morgan wax faahfaahin ah kama bixinin eedeyntiisa la xiriirta in ciyaartoyda Faransiiska ay sumeysnaayeen kulankii finalka.
Laakiin waxay keentay in taageerayaasha kubada cagta ay ku weeraraan hadalkiisa iyagoo ku tilmaamay inuu been abuur faafinayo iyo inuu doonayo inuu guusha Argentina hoos u dhigo.
Piers Morgan waxay saaxiibo dhow yihiin Cristiano Ronaldo isagoo dhawaan ka qaaday wareysigii sababay in xiddiga Portugal laga ceyriyo Manchester United, wuxuu sidoo kale Ronaldo ku difaacaa baraha bulshada mar walba.
Tababare Didier Deschamps ayaa xaqiijiyay in ciyaartoydiisa uu saameeyay feyruskii ku dhacay laakiin wuxuu diiday inay marmarsiiyo ka dhigtaan.
“Waxaan wajahnay xaalad adag, daal ayaa inaga muuqday malaha mid jir ahaaneed iyo mid maskaxeedba, laakiin wax walaac ah kama qabin ciyaartoydeyda, boqolkiiba 100 taam ayay ahaayeen” ayuu yiri Deschamps.