Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Ciyaarta Ugu Horreysa Ee Uu Cody Gakpo U Safanayo Liverpool & Real Madrid Oo Kasii Naxsan

by Abdiwahab Ahmed
December 28, 2022
0
Ciyaarta Ugu Horreysa Ee Uu Cody Gakpo U Safanayo Liverpool & Real Madrid Oo Kasii Naxsan

Cody Gakpo ayaa maanta gaadhay waddanka Ingiriiska oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo kooxdiisa cusub ee Liverpool kaddib markii ay £45 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen PSV Eindhoven.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Netherlands ayaa tababarka la bilaabi doona kooxdiisa ka hor ciyaarta Leicester City ee Jimcaha, laakiin looma ogolaan doono inuu dheelo sababtoo ah waqti ayay qaadan doontaa inta uu helayo ruqsadda shaqada ee UK, maadaama uu dalkaasi ka baxay Midowga Yurub.

Waxa kale oo Liverpool u diidaya sharciga in uu Gakpo u safto kulanka Leicester City sababtoo ah looma diiwaangelin doono illaa inta laga gaadhayo January 1, 2023, waana sababta aanu Klopp ugu tashanayn ciyaartaas.

Sharciga ayaa waxa uu dhigayaa in ciyaartoyda lagala soo wareego meel ka baxsan UK, in aan si rasmi ah loo diiwaangelinayn illaa inta uu suuqu si buuxda u furmayo. Waxay shuruuddani saamaynaysaa Matheus Cunha oo Wolves aan u ciyaari doonin usbuucan iyo Garang Kuol oo Newcastle aan qayb ka noqon doonin.

ADVERTISEMENT

Gakpo 1

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023
Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

January 28, 2023

Gakpo ayaa sidoo kale loo diidi doonaa inuu ciyaaro kulanka Brentford ee January 2 oo ku beegan Isniinta, xataa haddii ay kooxdiisa Liverpool ku dhawaaqdo saxeexiisa inta  ka horreysa ciyaarta Leicester ee Jimcaha.

Goorma ayaa la diiwaangelin doonaa saxeexyada cusub

Marka uu suuqa iibka ciyaartoyda ee January si rasmi ah u furmo, ciyaartoyda ayaa xaq u yeelan doona in la diiwaangeliyo, waxaanay diiwaangelintu soconayaa illaa January 31.

Waxa jira shuruuc adag oo ay ciyaaruhu leeyihiin oo aad loo ilaaliyo, waxaana ka mid ah in ciyaartoyda koox walba lasoo gudbiyo ka hor kulamada ciyaaraha.

Dhamaan saxeexyada cusub, waa in la diiwaangeliyo 12-ka duhurnimo ee maalinta ka  horreysa ciyaarta, haddii ay ka habsaamaanna qayb kama noqon doonaan kulanka xigta.

ADVERTISEMENT

Saxeexyada ay kooxuhu sameeyaan ayaa fasax u haysta in ay ciyaaraan tartamada Yurub, sida Champions League, Europa League iyo Europa Conference League, laakiin waa in lagu soo daro liiska  loo gudbinayo xidhiidhka UEFA ugu dambayn Khamiista February 2.

Sababtan darteed, Liverpool ayaa ku xisaabtami doonta Gakpo kulanka Real Madrid ee wareegga 16ka Champions League ee bisha February, halka ay Los Blancos sii diyaarsan doonto qorshihii ay ku joojin lahayd gool-dhaliyan.

Share434Tweet272
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

Man City Oo Etihad Ku Garaacday Arsenal, Arteta Oo Khamaarkii Ku Qasaaray & Gunners Oo Laga Ciribtiray FA Cup

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareega 16ka FA Cup ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Arsenal oo ku...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.