Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qiray in Lionel Messi uu yahay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta ka dib markii uu Argentina u qaaday Koobka Adduunka.
Guardiola oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka habeen ee danbe ee Liverpool ayaa yiri:
“Qof walba fekerkiisa ayuu leeyahay, laakiin cidna shaki ma gelin karto in Messi uu yahay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta. Aniga ahaan wuxuu ii yahay midkii ugu fiicnaa, ma jiro ciyaaryahan la tartami kara wixii uu sameeyay.”
Pep Guardiola has his say on whether Lionel Messi is now the greatest footballer of all-time after Argentina's World Cup win. pic.twitter.com/WxQquQCare
— Sky Sports News (@SkySportsNews) December 21, 2022
Isagoo ka hadlayay waqtiga uu soo laabanayo weeraryahanka Argentina u qaaday Koobka Adduunka Julian Alvarez, Pep Guardiola ayaa yiri:
“Waxaa kooxdeena ka tirsan xiddig Koobka Adduunka soo qaaday. Wuxuu heli doonaa fasax isbuuc ilaa 10 maalmood ah. Kulamo badan oo xamaasad leh ayuu ciyaaray. Fasax ayuu geli doonaa malaha wuxuu soo laabanayaa ka hor sannadka cusub.”
Pep Guardiola ayaa sidoo kale la weydiiyay haddii hanashada Champions League ay tahay sababtii uu qandaraaska ugu kordhiyay Manchester City horaantii bishaan, wuxuu ku jawaabay:
“Sababta kaliya ma ahan, laakiin waxaan qirayaa inay tahay koob aan dooneyno. Haddii aan koobka ku guuleysan weyno, waqtigeyga halkaan ma noqon doonto mid dhameystiran. Laakiin hanashada Champions League ma ahan sababta kaliya aan qandaraaska u kordhiyay.
“Waxaa igu jira dareen ah inay kooxdaan ku guuleysan doonto koobka dhawaa iyo dheeraaba.”