Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Christian Eriksen Oo Magacaabay Labada Halyey Ee Uu Kaga Daydo Ciyaarista Kubadda Cagta Iyo Farsamadeeda

by Abdiwahab Ahmed
November 29, 2022
0
Lambarkee Ayuu Christian Eriksen U Xidhan Doonaa Manchester United Oo Uu Si Xor Ah Ugu Wareegay?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United iyo xulka qaranka Denmark ee Christian Eirksen ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu kaga dayan jiray ciyaarista kubadda cagta markii ay da’diisu yarayd, waana laba ruug-caddaa oo ka fadhiistay cagta.

ADVERTISEMENT

Eirksen ayaa waxa uu sheegay, in markii uu carruurta ahaa ee uu bilaabay kubadda cagta uu ku dayan jiray halyeeyadii Talyaaniga iyo Denmark ee Francesco Tottei iyo Michael Laudrup, balse aanu nasiib u yeelanin inuu midkoodna ka  garab ciyaaro.

Totti oo lagu tilmaamo ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee soo maray taariikhda kooxda Roma oo uu ku qaatay muddo 28 sannadood ah, ayaa ka  caawiyey inay ku guuleystaan shan koob oo uu ku jiro horyaalka Serie A oo xilli ciyaareedkii 2000-01 ay ku guuleysteen. Muddadii uu joogay caasimadda  Talyaaniga  ayaa waxa uu Tottei u dhaliyey Roma in ka badan 250 gool, waxaana uu sidoo kale sannadkii 2006 ka mid ahaa xiddigihii Talyaaniga u qaaday Koobka Adduunka.

Laudrup ayaa isaguna laba jeer ku guuleystay ciyaartoyga sannadka ee waddanka Denmark, waxaana uu ku guuleystay 15 koob intii uu garoomada ku jiray, isaga oo u ciyaaray kooxaha Barcelona, Real Madrid, Juventus iyo Ajax. Denmark ayuu ka caawiyey inay yimaaddaan wareegga siddeedda Koobkii Adduunka 1998kii.

ADVERTISEMENT

Christian Eriksen oo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyey telefishanka kooxdiisa Manchester United ee MUTV ayaa mar la su’aalay ciyaartoydii uu ku dayan jiray markii uu yaraa, waxa uu yidhi: “Waxa jiray laba ciyaartoy oo aan ku dayan jiray. Midkood wuxuu ahaa Totti oo aan ku dheelay ciyaar-gacmeedka ‘Football Manager’ iyo Laudrup. Michael Laudrup ayaa ahaa midka aan aadk u taageeri jiray, sababtoo ah waxa uu ahaa Danish, qaab-ciyaareedkiisana waan jeclaa.”

Sidoo Kale Akhri

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

January 28, 2023
Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
ADVERTISEMENT
Share326Tweet204
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

“Mudaneyaal & Marwooyin, Sababtan Darteed Ayaanay Arsenal Ugu Guuleysanaynin Horyaalka Premier League”

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa niyad-jab weyn muujiyey kaddib guul-darradii koowaad ee soo gaadhay kooxdooda muddo ka badan saddex...

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.