Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Bundesliga

Chelsea Oo Xiddig 100 Milyan Ku Bixinaysa, Arsenal Oo Bedelka Odegaard Heshay, Liverpool Oo Daafac Diiday & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

by Saed Mohamed
April 8, 2021
0

Akhristeyaal, wuu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa bisha June, laakiin hadda ayay kooxuhu sii shaqaysanayaan iyagoo kala jiidanaya ciyaartoyda sida bilaashka ah lagu heli karayo iyo kuwa kale oo ay saxeexyadooda sii bislaysanayaan ka hor inta aan la gaadhin waqtiga rasmiga ah.

ADVERTISEMENT

Wargeysyada ciyaaraha ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta, xanta iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaananu idiinka soo xulnay qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen maanta oo Khamiis ah.

Suuqa

West Ham ayaa samayn doonta waxkasta oo ay ku qaadanayso si ay Manchester United ugala wareegaan khadka dhexe ee ree England ee Jesse Lingard. (Sky Sports)

ADVERTISEMENT

Manchester United ayaa lacag 30 Milyan oo pound ah dul dhigtay Lingard. (Mirror)

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Arsenal ayaa dib usoo noolaysay xiisaha ay u qabto 28 sano jirka garabka weerar ee Crystal Palace ee Wilfred Zaha. (90min)

Manchester City ayaa doonaysa inay kahor dhammaadka xilli ciyaareedka heshiisyo cusub ka saxeexato Raheem Sterling iyo Phil Foden kaddib markii uu Kevin De Bruyne shalay qalinka ku duugay qandaraas gaadhsiisan ilaa 2025. (Eurosport)

Man City ayaan dhinaca kale wax dalab ah u gudbin doonin kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ilaa uu isagu caddeeyo inuu ka tagayo kooxdaas. (Marca – in Spanish)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay dalab 100 Milyan oo euro ah ka gudbiso weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku haddii ay ku fashilmaan doontistooda Erling Haaland. (Calciomercato – in Italian)

ADVERTISEMENT

Tottenham ayaa marka uu furmo suuqa xagaagu isku dayi doonta inay la saxeexato 28 sano jirka daafaca dhexe ee Southampton ee Jannik Vestergaard oo 18 Milyan oo pound lagu qiimeeyo. (Express)

Liverpool ayaa u sheegtay RB Leipzig inaysan doonayn saxeexa daafaca dhexe ee 21 sano jirka ah ee kooxdaas ee Ibrahima Konate. (Bild, via Express)

Liverpool ayaa tartan kala kulmi doonta dhigeeda Chelsea marka ay noqoto heshiiska ay ku doonayso 18 sano jirka Ajax ee Ryan Gravenberch oo 30 Milyan oo pound lagu qiimeeyo oo ay u rabaan bedelka Gini Wijnaldum. (Gazzetta dello Sport, via Express)

Barcelona ayaa doonaysa inay kordhiso heshiiska Ousmane Dembele oo dhacaya sanadka dambe ee 2022, Barca ayaa suuqa soo dhigi doonta haddii wax heshiis ah la isku fahmi waayo xagaaga kahor. (Sport – in Spanish)

Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in 32 sano jirka daafaca kooxdeeda ee Jerome Boateng uu kooxda ka tagi doono marka heshiiskiisu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Sky Sports, via Goal)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay inuu doonayo in Lucas Torreira uu ahaado mid samir leh kaddib markii uu xiddiga amaahda ugu maqan Atletico Madrid codsaday in laga iibiyo Boca Junior. (Mirror)

Kubad sameeyaha Norwich City ee Emi Buendia oo 24 sano jir ah ayaa Arsenal loola xidhiidhinayaa inuu noqdo bedelka Martin Odegaard oo amaah kagala jooga Real Madrid isla markaana aanay caddayn inuu xilli ciyaareed kale ku qaadan doono. (Express)

AC Milan iyo AS Roma ayaa xiisaynaya saxeexa weeraryahanka Torino ee Andrea Belloti oo kaliya 21 Milyan oo pound lagu heli karo xagaaga. (Corriere dello Sport – in Italian)

Chelsea ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay inay u dhaqaaqayso saxeexa Belloti oo 27 sano jir ah. (Team Talk)

 

Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.