Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Toban Daqiiqadood Ka Takhalustay Bournemouth Xilli Ay Kusii Negaadeen Kaalinta Siddeedaad

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
Chelsea Oo Toban Daqiiqadood Ka Takhalustay Bournemouth Xilli Ay Kusii Negaadeen Kaalinta Siddeedaad

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul dib ugu furatay horyaalka Premier League ee muddada fasaxa ku jiray, waxaanay 2-0 ku garaacday kooxda ay isku magaalada yihiin ee Bournemouth oo ay ka qaadatay saddex dhibcood oo muhiim ah, iyadoo dhinaca kalena uu kooxda gilgilay dhaawac uu qaybtii dambe ku baxay Reece James oo ilmaynaya.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa toban daqiiqadood gudahood ay qaybtii hore ugu kala dhaliyeen Kai Havertz iyo Mason Mount ayaa Blues ku hoggaamiyey guul ay si adag ugu dagaallameen, iyaga oo dhinaca kalena tirsanayay in garsoorku ay ka diideen rikoodhe ay xaq u lahaayeen.

Graham Potter ayay kooxdiisu qaybtii hore muujisay awood xad-dhaaf ah oo ay ku siririsay difaacyahannada Bournemouth oo xammili waayey culayska badan ee la saaray, isla markaana sameeyey qaladaad fursado u noqday Blues, laakiin qaybtii labaad ayay is-dhintay tamarta Chelsea oo ay Bournemouth u dhowaatay shabaqa soo taabato balse waxay iska khasaariyeen fursadahoodii.

Mount

ADVERTISEMENT

Kubbaad uu dhinaca ka keenay Raheem Sterling ciyaarta oo socota 97 ilbidhiqsi oo kaliya ayaa waxa helay Kai Havertz oo ku toogtay goolka balse kama aanay faa’iidaynin.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Reece James ayaa la shaqeeyey Sterling oo u dhiibay kubbad halis ahayd oo aanu ka faa’iidaynin, iyadoo difaacyahannada Bourenmouth ay ku khalkhaleen orodka Sterling iyo Pulisic.

Chelsea ayaa ku doodday in rikoodhe loo dhigo daqiiqaddii 12aad markaas oo uu xerada ganaaxa ku dhacay Christian Pulisic oo shaadhka la jiitay hase yeeshee garsooraha iyo VAR ayaa diiday dooddiisa maadaama uu isasii tuuray isaga oo ciyaari karaya.

Kai Havertz ayaa hoggaanka u dhiibay Chelsea daqiiqaddii 16aad, markaas oo uu xerada ganaaxa ka helay baas qurux badan oo uu usoo dhiibay Raheem Sterling, taas oo uu si qurux badan u dhamaystiray iyadoo goolhaye Travers uu awoodi waayey in uu joojiyo.

Toban daqiiqadood kaddib ayay Blues sii dheeraysatay hoggaanka waxaana gool labaad oo bannaanka laga toogtay u dhaliyey Mason Mount. Kubbad uu Havertz kala yimid dhinaca midig ayuu u taraarixiyey Mount oo bannaanka jooga oo isaguna darbad xooggan oo baac ah ku toogtay, taas oo ka gashay birta agteeda.

ADVERTISEMENT

lcimg a55fd9b5 92ef 41b0 8499 4a950f2d5277

Shantii daqiiqadood ee ugu dambeeyey qaybta hore ayay Blues laba jeer heshay fursado waaweyn oo ay shabaqa la seegtay, waxaana lagu kala nastay 2-0.

Qaybta labaad ayay Bournemouth lasoo gashay firfircooni dheeraad ah oo aan ka muuqanin, waxaana dhawr jeer Blues la baxsaday goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Raheem Sterling iyo Zakaria ayaa helay fursado fiican oo ay goolal u beddeli karayeen. Darbad uu ku toogtay Zakaria ayaa waxay kusii dhacday ciyaartoy ka dallacay, mar kalena waxa isku dhigay oo soo difaacay ciyaartoy kale, halka Pulisic uu isaguna xerada ganaaxa la yimid kubbad ay awoodi waayeen inay dhamaystiraan.

Reece

Kepa ayaa si dhib badan ku badbaadiyey kubbad laad xor ahayd halka koorne ay Bournemouth soo tuuratay ay birta garab mariyeen daqiiqadihii ugu dambeeyey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0.

Guushan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 24 dhibcood, waxayse ku jirtaa booska kaalinta siddeedaad iyada oo farqiga goolasha kaga dambaysa Brighton oo ay isku dhibco yihiin halka Liverpool na ay hal dhibic ka sarrayso.

Share264Tweet165
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.