Chelsea ayaa taako loo dhigay kulankoodii ugu horeeyay ee sannadka cusub ka dib markii ay barbaro 1-1 kala kulmeen kooxda ku jirta boosaska lagu harro ee Nottingham Forest.
Raheem Sterling ayaa hogaanka u dhiibay Blues qeybtii hore laakiin Nottingham Forest oo wacdarro dhigtay qeybtii labaad ayaa waxaa u barbareeyay Aurier.
Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta 8aad iyagoo todoba dhibcood ka danbeeya kooxda kaalinta afaraad ee Manchester United.
Qeybtii hore ee ciyaarta Chelsea ayaa kubada inteeda badan heysatay waxaa xitaa loo diiwaangeliyay inay kubada heysteen boqolkiiba 80, laakiin kubad-heysashadaas wax badan ku qabanin oo dhanka fursadaha waxay ciyaarta aheyd dhif iyo naadir.
Fursadii ugu horeysay ee halis aheydna waxaa heshay kooxda martida loo ahaa iyadoo Johnson uu qasaariyay kubad uu la kortagay goolhaye Kepa.
Laakiin Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 16aad markii karoos uu soo qaaday Pulisic uu birta isaga dhuftay Boly, kubadii soo laabatay ayaa waxaa helay Raheem Sterling oo shabaqa ku hubsaday.
Goolkaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin qeybtii labaad ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasad leh iyadoo Nottingham Forest ay bilowday inay baadigoobto goolkii barbaraha ciyaarta.
Chelsea waxay u muuqatay inay qeybtii labaad garoonka soo galeen iyagoo hurda halka Nottingham ay firfircooni xoogan ka muuqatay.
Daqiiqadii 55aad waxay qarka u fuuleen inay helaan goolka barbaraha markii Gibbs-White uu kubad gool loo fishay oo gantaal aheyd birta ku garaacay.
Laakiin Nottingham Forest ayaa heshay goolkii barbaraha ee ay u qalmeen daqiiqadii 63aad. Koorno ay Forest soo tuureen ayay Chelsea ku guuldareystay inay bixiso, waxayna kubada u tagtay Aurier oo koontaroolay islamarkaana shabaqa ku laabay.
Tababare Porter ayaa sameeyay seddex bedel hal mar si uu wax uga bedelo ciyaarta isagoo soo geliyay Gallagher, Ziyech iyo Aubameyang, wuxuuna bixiyay Jorginho, Sterling iyo Mount.
Bedeladaas ayaa Chelsea ka saaciday inay ugu yaraan dib u hesho koontaroolka ciyaarta laakiin waxba kama aysan bedelin natiijada madaama ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.