Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Shalay Diiwaangelisay Dhaawacii 11aad Ee Muddo Ka Maqnaanaya

by Abdiwahab Ahmed
January 22, 2023
0
“Waa Maxay Kubadda Noocan Ahi!!” – Jamaahiirta Chelsea Oo Jeex-Jeexay Tababare Graham Potter

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayay dhaawacyadeedu noqdeen tusbax furtay, waxaana la xaqiijiyey in uu liiska dhaawacyada muddada maqnaanaya  ku biiray daafaca dhexe ee Trevoh Chalobah oo laga saaray kulankii Sabtidii ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Liverpool.

ADVERTISEMENT

Daqiiqaddii 79aad ayuu Trevoh Chalobah dhulka fadhiistay markii uu sii wadan kari waayey ciyaarta, waxaanay dhakhaatiirtu si toos ah uga saareen garoonka markii ay arkeen xaaladdiisa.

Wararka hordhaca  ah ayaa sheegaya in dhaawaciisu yahay muruqa oo uu u baahan doono qiimayn dheeraad ah ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin muddada uu maqnaanayo, waxaana booskiisa buuxin doona Cesar Azpilicueta oo shalayba beddel kusoo galay markii uu baxay Chalobah.

23 jirkan ayaa noqonaya dhaawacii 11aad ee Chalsea ee sariirta jiifa, iyadoo ay sii socoto nasiib-xumada tababare Graham Potter oo ciyaartoydiisu ay sii wadaan dhaawacyada, halka isuguna  uu soo wado ciyaartoyda iyo saxeexyada cusub ee uu kooxda keenayo.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen N’Golo Kante, Raheem Sterling, Denis Zakaria, Ben Chilwell, Reece James iyo Wesley Fofana oo dhamaantood dhaawacyadu dibedda ka dhigeen garoomada.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Waxa kale oo dhaawac ku maqan Armando Broja, Christan Pulisic iyo Eduoard Mendy oo waqtiga ay maqnaanayaan uu daba-furan yahay oo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu qaadanayo, inkasta oo Broja uu xilli ciyaareedka oo dhan maqnaan doono.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa waxa ganaax kaga maqan saxeexooda cusub ee Joao Felix oo kulankiisii koowaad ee Premier League ah kaadh casaan ah qaatay ciyaartii Fulham, waxaana uu sii maqnaan doonaa labada ciyaarood ee soo socda.

ADVERTISEMENT
Share302Tweet189
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.