Chelsea oo halkeeda kasii wada siyaasadeeda la saxeexashada da’yar badan ayaa markale qarka u saaran inay kooxda ree Brazil ee Vasco Da Gama kala wareegto 18 sano jirka khadka dhexe ee Andrey Santos.
Santos ayay bilihii ugu dambeeyay oo dhan saxeexiisa isha la raacayeen Manchester City iyo Newcastle United balse haatan ayuu u muuqdaa mid ka degaya Stamford Bridge iyadoo Blues 18 Milyan oo pound kula heshiisay kooxdiisa.
Santos ayaa kasoo muuqday xulka 20 sano jirada ka yar ee Brazil waxaana loo arkaa mid kamida khadadka dhexe ee ugu wanaagsan ee dalkaas usoo baxaya.
Newcastle ayaa in mudo ah loo arkayay kooxda saxeexiisa ugu cad cad balse Blues ayaa kalsooni ku qaba inay kahor furitaanka suuqa January dhammaystiraan heshiiskiisa.
Santos ayaa 38 kulan usoo ciyaaray Vasco Da Gama isagoo siddeed gool usoo dhaliyay, waa khad dhexe oo dhismaha weerarka ka qayb qaadan kara balse sidoo kalena burburiye dheeli kara.
Chelsea ayaa doonaysay inay khadkeeda dhexe da’yar badan kusoo xoojiso maadaama aysan wali heshiisyo cusub la gaadhin Jorginho, Kante iyo xataa Mason Mount.
Chelsea ayaa durba dhammaysay saxeexyada weeraryahanada David Fofana (8 Milyan oo pound) iyo Christopher Nkunku (52 Milyan oo pound) oo Molde iyo RB Leipzig kaga soo biiraya.