Chelsea ayaa markale weerar ku qaadaysa kooxda horyaalka Premier League la joogta ee Brighton oo ay ka doonayaan labada xiddig ee kala ah Leandro Trossard iyo Moises Caicedo.
Shalay ayay Chelsea soo bandhigtay saxeexeedii shanaad ee kaliya suuqan January iyagoo ku dhawaaqay heshiiska Mykhailo Mudryk oo 88 Milyan oo pound ugu soo biiray.
Mudryk ayaa imanaya kaddib saxeexyada Benoit Badiashile, Datro Fofana, Andrey Santos iyo Joao Felix oo amaah ah.
Blues ayaa maalmaha soo socda xoojin kara xiisaha ay u qabeen xiddigihii hore ee tababare Graham Potter ee Caicedo iyo Trossard oo ay isaga isku dhaceen tababarihiisa De Zerbi kulamadii ugu dambeeyay.
Trossard ayay dhinaceeda ka doonaysaa kooxda ay Chelsea London wada degaan ee Tottenham oo hore dalab looga soo diiday.
Heshiiska Trossard ee Brighton ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan walow la fahamsan yahay in kooxdaasi sanad kale oo dheeri ah iyadu dookh u leedahay inay kordhiso.