Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Chelsea Oo Heshiis La Gaadhay Ciyaartoygii SADDEXAAD Saacado Gudahood

by Abdiwahab Ahmed
January 1, 2023
0
Chelsea Oo Heshiis La Gaadhay Ciyaartoygii SADDEXAAD Saacado Gudahood

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay Monaco, waxaanay ogolaatay inay bixiso qiimaha ay kooxda reer France ku xidhay xiddiga khadka dhexe ee Benoit Badiashile, kaas oo si toos ah uga degi doona Stamford Bridge marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

ADVERTISEMENT

Sida uu shaaciyey wargeyska The Athletic, Chelsea ayaa dalab £33 milyan oo Gini ah ka gudbisay Badiashile, kaas oo  Monaco oo hore uga war-wareegaysayna ay ugu dambayntii ogolaatay inay xiddigeedan ku fasaxdo lacagtaas.

Xiddiga reer France ayaa la sheegay inuu waqti horeba heshiiska shaqsiga ah lasii gaadhay Chelsea, ayna kaliya hadhsanayd in ay labada kooxood isla meel-dhigaan qiimaha ay ku kala iibsanayaan.

Badiashile oo 21 jir ah ayaa tijaabada caafimaadka mari doona ka hor inta aanu tegin magaalada London oo uu ku saxeexi doono heshiis waqti dheer ah oo ka dhigi doonta ciyaartoygii saddexaad ee Chelsea ay lasoo wareegto suuqa January, waxaana ka horreeyey weeraryahanka Davide Datro Fofana iyo Andrey Santos.

ADVERTISEMENT

Badiashile ayaa ciyaaraha ka bilaabay kulliyadda Monaco sannadkii 2016, waxaana uu kooxda koowaad usoo dallacay laba sannadood kaddib iyadoo ay waqtigaas da’diisu ahayd 17 jir, waxaanu illaa hadda u saftaya 135 ciyaarood oo uu u dhaliyey lix gool, saddex kalena caawiye ka noqday.

Sidoo Kale Akhri

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

February 6, 2023
Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023
ADVERTISEMENT
Share372Tweet232
ADVERTISEMENT

Related Posts

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Musiibo weyyn ayaa ku habsatay waddanka Turkiga oo dhul-gariir weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen dad tiradooda sare loo...

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.