Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Go’aankii La Sugayey Ka Qaadatay Tababarihii Saddexda Bilood Ka Hor La Magacaabay Ee Graham Potter

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
Graham Potter Oo Qirasho Sameeyay Kaddib Kulankii Arsenal & Hadalka Jamaahiirta Chelsea Ka Xanaaqeen

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aan ka gaadhay tababaraheeda Graham Potter oo saddex bilood oo kaliya xilka hayay, kaddib markii uu awoodi waayey in uu kooxda ka saaro dhibaatada ay ku jirto oo ay hoos ugu dhaceen kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta Premier League.

ADVERTISEMENT

Potter ayaa bishii September beddelay Thomas Tuchel oo shaqada laga caydhiyey, waxaana sagaalkiisii ciyaarood ee ugu horreeyey ee Stamford Bridge ay Chelsea ahayd mid aan laga badin, hase yeeshee bishii October ayay bilaabeen inay simbiririxdaan.

Kooxaha reer London ee Birghton iyo Arsenal ayaa garaacay, sidoo kalena Manchester City ayaa ka reebtay tartanka Carabao Cup, halka Newcastle United ay kusii istagtay oo ay u ridday kaalinta siddeedaad ka hor intii aan loo bixin Koobka Adduunka.

Salaasada berri ayay Chelsea la ciyaari doontaa Bournemouth, waxaana laga doonayaa tababare Graham Potter in uu kooxda kusoo celiyo dariiqa guusha si ay uga badbaadaan inay hoos ugu sii dhacaan kaalmaha sagaalaad iyo tobnaad oo ay midkood u degi doonaan haddii laga badiyo.

ADVERTISEMENT

Si kastaba, maamulka Chelsea ayaa go’aan ka gaadhay tababaraha culayska badan saaran yahay ee Graham Potter, waxaanay ku wargeliyeen in aan laga eryi doonin shaqada oo uu badqab yahay xaalad kasta oo ay kooxdu gasho.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Arrintan oo la rumaysan yahay in kalsoonida loogu dhisayo maadaama uu yahay tababare khibrad badan u leh horyaalka Premier League oo isku soo muujiyey Brighton oo ay kasoo kaxaysteen ayaa waxa uu Todd Boehly u sheegay in shaqadiisu ammaan tahay oo aan la eryi doonin.

ADVERTISEMENT
Share349Tweet218
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.