Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Thiago Silva Oo 39 Jir Noqday

by Abdiwahab Ahmed
January 24, 2023
0
Thiago Silva

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa go’aan cusub ka gaadhay mustaqbalka difaaceeda ruug-caddaaga ah ee Thiago Silva oo ay da’diisu noqonayso 39 jir, kaas oo ay si aad ah ugu tiirsan tahay kooxda tababare Graham Potter oo uu u yahay difaaca ay ugu kalsoonida badan yihiin.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaa la sheegay in ay ku jirto marxalad kala guur ah, isla markaana xilli ciyaareedkan uu u yahay mid ay kaliya iskugu diyaarinayaan fasalka dambe oo ay si dhab ah iskula jaan-qaadi doonaan saxeexyada tirada badan ee ay sameeyeen.

Suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January ayay Chelsea si fiican uga faa’iidaysatay, waxaanay la saxeexatay ciyaartooyo badan oo uu ku jiro daafacii Monaco ee Benaoit Badiashile oo kulamadii ugu dambeeyey kusoo garab bilaabanayay Thiago Silva. Waxa kasii horreeyey oo xagaagii ay la saxeexdeen Wesley Fofana iyo Kalidou Koulibaly, halka ay kooxda sii joogaan revoh Chalobah iyo Thiago Silva. Waxa intaas u dheer in Cezar Azpilicueta uu ka ciyaari karo daafaca dhexe.

Sida uu qoray wargeyska The Times, Chelsea ayaa waxay ruuq-caddaageeda Thiago Silva doonaysaa inuu ku sugnaado Stamford Bridge inta ay ciyaartoyda cusub ee difaacyahannada ah si fiican iskula qabsanayaan, taas oo ak dhigan in qandaraaskiisa hadda oo ay lix bilood  ka hadhsan yihiin lagu kordhin doono sannad kale.

ADVERTISEMENT

Silva oo bishii September ay da’diisu noqotay 38 jir, ayaan diidmo ka keenayn qorshaha kooxdiisa ee kusii haynaya Stamford Bridge illaa inta ay da’diisu ku dhowaanayso 40 jirka, iyadoo waqtigaasna ay dhinacyadu isla eegi doonaan haddii uu laacibkani jidh ahaan iyo farsamo ahaanba sii ciyaari karayo.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

August 2020 ayuu Thiago Silva si bilaash ah ugu soo wareegay Chelsea markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Paris Saint-Germain, waxaana uu illaa hadda u saftay 95 ciyaarood oo uu kusoo bilowdaya iyo toban uu beddel ku yimid, waxaanu kula guuleystay Champions League iyo Club World Cup.

ADVERTISEMENT
Share336Tweet210
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.