Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa war fiican ka heshay dhaawacyada dhibaatada badan ku noqday xilli ciyaareedkan, saacado ka hor ciyaarta adag ee Liverpool ee Sabtida, taas oo uu tababare Graham Potter ku qasban yahay inuu guul keeno si ay sare ugaga soo dallacaan kaalinta tobnaad ee ay ku jiraan.
Blues ayaa safar ku tegi doonta Anfield oo ay ku sugayso Liverpool oo ay baaqatay ciyaartoodii bishii October, walina aan laa muddaynin.
Labada kooxood ayaa isku dhibco ah, waxayse ku kala sarreeyaan farqiga goolasha oo ay kaalmaha sagaalaad iyo tobnaad ku kala fadhiyaan, balse mushkiladda guulo la’aanta ayay wadaagaan.
Graham Potter waxay kooxdiisu guul keentay saddex jeer oo kaliya tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, ayuu saaran yahay culays weyn sababtuna waa saxeexyada badan ee ay sameeyeen bishan January oo uu Todd Boehly u keenay Mykhailo Mudryk, Joao Felix, Benoit Badashile, David Datro Fofana iyo Andrey Santos. Waxa kale oo ay Blues heshiis la gaadhay Noni Madueke.
Iyadoo saxeexyadan cusub ay Blues soo dhoweysay, ayaa waxa kasii farxiyey xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante oo tababarka kusoo laabtay shan bilood oo uu dhaawac muruqa ah u jiifay kaddib.
Xiddiga reer France ayay garoomada ugu dambaysay bishii August ciiyaartii ay barbarraha goolal la’anta ah la galeen Tottenham, waana waqtigii uu Thomas Tuchel xilka hayay.
Kante oo ay ahayd inuu soo laabto bishii October ayaa mar kale tababarka ku dhaawacmay, waxaana lagu sameeyey qalliin uu ugu dambayntii kasoo kacay oo uu hadda dib ugu soo laabtay tababarka.
caku aqoon la,aan iyo ka fiirsasho la,aanta laacib ku habsatey ayaa ka weyn burburka Soomaaliya 33 sano heysta Chelsea iyo spurs goolal la,aan kumeyna kala bixine 2:2 ayey ku dhamaatey hubsiimo waa shey qaali ah fadlan dadka inaad u warrantaan idinka doonaya waa dad dhago iyo indho leh wax. na bartey please isa saxa