Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Chelsea Oo Dulmi & Ixtiraam-darro Iskugu Dartay Goolhayaha Reer Senegal Ee Edouard Mendy

by Abdiwahab Ahmed
December 22, 2022
0
Chelsea Oo Dulmi & Ixtiraam-darro Iskugu Dartay Goolhayaha Reer Senegal Ee Edouard Mendy

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ixtiraam-darro iyo dulmi isku raacisay goolhayaha reer Senegal ee Edouard Mendy taas oo keentay inuu laacibkani iska diido heshiis cusub oo lix sannadood ahaa oo ay Blues u bandhigtay, si uu cimrigiisa ciyaareed ugu dhamaysto Stamford Bridge.

ADVERTISEMENT

Goolhaye Mendy ayaa tababarka kusoo laabtay toddobaadkii hore kaddib markii uu xulkiisa Senegal wareegga 16ka kaga hadhay Koobka Adduunka, laakiin calaamadaha muuqda ma saxeexi doono qandaraas cusub oo kusii haynaya Chelsea.

Mendy oo 30 jir ah ayaa toddobaadkii mushahar uga qaata Chelsea £100,000 Gini, waana mushahar aad u hooseeya marka la barbar-dhigo ciyaartoyda kale, gaar ahaan goolhayaha kaydka mushaharka ku qaata ee Kepa Arrizabalaga oo xilli ciyaareedkan uu boodhka kasoo jafay tababare Graham Potter oo dookhiisa koowaad ka dhigtay.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Mendy ayaa u sheegay Chelsea in aanu saxeexayn heshiis cusub haddii aan mushaharkiisa la gaadhsiinin inta uu qaato Kepa oo laba-jibbaar ka badan, balse jawaabta uu kooxda ka helay ayaa ah in aanay marnaba siin doonin lacag gaadhsiisan inta Kepa Arrizabalaga.

ADVERTISEMENT

“Edouard wuu kusoo laabtay Chelsea waxaanu diyaar u yahay in uu ciyaaro, laakiin waxa uu dareensan yahay in xaaladda qandaraaskiisu aanay dhinacna u socon.” Sidaas waxa The Sun u sheegay qof ka  tirsan Chelsea oo magaciisa la qariyey.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

“Edouard koobab waaweyn ayuu kula guuleystay Chelsea, laakiin waxa jira dareen ah in aanay kooxdu siinayn ixtiraam ku filan marka laga hadlayo heshiiska cusub.” Ayuu ku daray qofka magaciisa la  qariyey.

Kooxo badan oo reer Yurub ah ayaa si dhow ula socda xaaladda goolhaye Mendy oo sannadkii 2021 noqday goolhayaha ugu fiican dunida kaddib markii uu Blues la qaaday Champions League, sidoo kalena waddankiisa Senegal kula guuleystay Koobka Qaramada Afrika.

ADVERTISEMENT
Share345Tweet216
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.