Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Cesc Fabregas Oo Magacaabay Xiddig Uu La Doonayey Barcelona Oo Ka Degay Koox Uu Neceb Yahay

by Abdiwahab Ahmed
December 2, 2022
0
Fabregas

Halyeygii Arsenal, Barcelona iyo Chelsea ayaa qirtay inuu isku dayay inuu ka caawiyo kooxdiisii hore ee Barcelona inay la saxeexato ciyaartoy uu ku tilmaamay mid aan lahayn xuduud iyo meel celisa, laakiin taas beddelkeeda uu ciyaartoygaasi ka degay kooxda uu la xafiiltami jiraya Real Madrid oo uu af-dhabar ka noqday,, sidoo kalena wacdaro ka dhigaya koobka adduunka

ADVERTISEMENT

Cesc Fabregas ayaa waxa uu sheegay inuu la hadlay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qarankaFrance ee Aurelien Tchouameni oo uu u sharraxay Barcelona xilligii ay wada joogeen Monaco, si uu ugu qanciyo inuu tago Camp Nou.

Tchouameni oo ay kooxo badan ku tartamayeen xagaagii sida Liverpool, Manchester United, Paris Saint-Germain iyo Chelsea ayaa waxa 80 milyan oo Euro oo ay kagala soo wareegtay Monaco, halka Barcelona ay iyaduna si xor ah ula wareegtay Frenkie Kessie.

Imaatinka Tchouameni ee Real Madrid ayaa waxay keentay in Los Blancos ay iibiso Casemiro oo lacag ka badan intii ay kusoo iibsadeen Tchouameni ay kula wareegtay Manchester United.

ADVERTISEMENT

Cesc Fabregas oo la hadlayey wargeyska Foot Mercato ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga ayaa yidhi: “Haa waan kala hadlay Aurelien arrimaha Barcelona. Waxay doonayeen bilowgii in ay la saxeexdaan oo uu u beddelo Sergio Busquets, waxaanu ahaa ciyaartoyga ugu habboon aniga aragtiday, laakiin waxay ahayd waqti ay Barca haysay lacag la’aan. Waxa aan rumaysnaa in aanay bixin karayn wax ka badan €40 milyan oo Euro. Kaddib waxa uu u saxeexay Real oo uu ka noqday ciyaartoy joogto ah, sidoo kale xulka France ayuu ka yahay aasaasi. Aniga aragtidayda, Aurelien ma jiraan wax xaddidaya.”

Sidoo Kale Akhri

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

February 7, 2023
Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

February 7, 2023
ADVERTISEMENT
Share360Tweet225
ADVERTISEMENT

Related Posts

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

Fadeexadda Manchester City Oo Faraqa La Gashay Yaya Toure

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Fadeexadda ku habsatay kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa farqa lasoo gashay halyeyga reer Ivory Coast ee Yaya Toure oo...

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

Waa Maxay Sababta Ciyaarta Manchester United vs Leeds United Aan Looga Daawan Doonin Telefishannada?

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Ciyaarta adag ee Arbacada ka dhacaysa Old Trafford ee Manchester United  iyo Everton, ayaan laga daawan doonin waddanka UK, inkasta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.