Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Cesar Azpilicueta Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababtii Uu Iskaga Diiday Barcelona & Telefoonkii Uu Ka Helay Xavi Hernandez

by Abdiwahab Ahmed
December 5, 2022
0
Kabtanka Cusub Ee Chelsea Beddelaya Cesar Azpilicueta Oo La Magacaabay

Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa markii ugu horreysay sharraxaad buuxda ka bixiyey sababtii uu iskaga diiday inuu ku biiro Barcelona oo xagaagii isku dayday inay la saxeexato, taas oo xataa gaadhay heer uu tababaraheeda Xavi Hernandez telefoonka kala soo hadlo Azpilicueta.

ADVERTISEMENT

32 jirkan oo qandaraaskiisa Chelsea uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, ayaa wali ay raadinaysaa Barcelona balse waxa hadda iyaduna kusoo biirtay tartankiisa Real Madrid, halka Chelsea ay doonayso inay sii haysato.

Cesar Azpilicueta ayaa waxa uu sheegay in uu telefoon ka helay Xavi oo uu u sharraxay qorshihiisa ciyaareed iyo fursadda uu siinayo si uu qaab xor ah ugula wareego, laakiin uu Cesar Azpilicueta doortay inuu sii joogo Stamford Bridge oo uu sannad heshiis ah saxeexo.

Blues oo xagaagii ay si xor ah uga tageen Antonio Rudiger oo u wareegay Real Madrid iyo Andreas Christensen oo ka degay Barcelona, sidoo kalena uu Marcos Alonso waqti dambe isaguna u saxeexay Barcelona, ayaa waxa Cesar Azpilicueta uu qaatay go’aan ah in aanu raacin raadka ciyaartoydan oo uu sii joogo kooxda uu kabtanka u yahay.

ADVERTISEMENT

Waraysi uu siiyey wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain isaga oo ku sugan waddanka Qatar oo uu xulka dalkiisa Spain kagala qayb-gelayo Koobka Adduunka, ayaa waxa Cesar Azpilicueta uu ku sheegay in sababto qoyskiisa la xidhiidha uu u tegi waayey Barcelona oo uu fursad ka helay xagaagii.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

“Chelsea waxa aan u ciyaaray in ka yar 30 kulan, waxaanan mar horeba noqday ciyaartoy xor ah.” Ayuu Cesar Azpilicueta ku bilaabay, waxaanu sii raaciyey: “Aniga waligay iguma dhicin arrintan oo kale, laakiin mulkiileyaal cusub ayaa yimid waxaanay ii muujiyeen doonistooda ah in aan sii joogo kooxda.”

Azpilicueta oo sannadkii 2010 ka tegay waddankiisa Spain oo ku biiray Marseille oo laba sannadood markii uu u ciyaaray uu usii dhaafay Chelsea oo ku iibsatay £7 milyan oo Gini, ayaa uu sharraxay sababaha qoys ee keenay inuu iska diido Barcelona, waxaanu yidhi: “London waa gurigaygii, carruurtayduna waxay si fiican ugu hadlaan English-ka marka loo eego luuqadda Spanish-ka. Markii aan go’aanka gaadhay, waxa aan u malaynayay in Xavi uu i fahmay. Haddii wax walba caddaan yihiin, way ku fahmayaan.”

ADVERTISEMENT
Share262Tweet164
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.