Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Ceebta Ayaa Kaga Daran!! Habeenkii Uu Deschamps U Jabay Benzema & Ceebtii 45ka Daqiiqadood Ku Socotay

by Abdiwahab Ahmed
December 19, 2022
0
Ceebta Ayaa Kaga Daran!! Habeenkii Uu Deschamps U Jabay Benzema & Ceebtii 45ka Daqiiqadood Ku Socotay

Xulka qaranka Faransiiska ayaa ceeb weyn kala kulmay finalkii Koobka Adduunka ee ay Argentina rikoodheyaasha kaga qaadday. 45 daqiiqadood oo ka mid ah ciyaarta ayaa si weyn ay taageereyaashu uga niyad-jabeen xulka Faransiiska, iyadoo ay soo baxday qaladkii uu Deschamps ka galay Karim Benzema ee uu kaga caydhiyey xulkiisa.

ADVERTISEMENT

Argentina ayaa si aad ah uga awood badnayd Faransiiska qaybtii hore, waxaanay la yimaaddeen laba gool iyaga oo xiddigaha Faransiiskana loo diiday in ay xataa hal mar kubadda ula dhowaadaan goolka Argentina. Waa sababta uu Deschamps daqiiqaddii 40aad u beddelay Olivier Giroud iyo Ousmane Dembele.

Lionel Messi iyo Angel di Maria ayaa ku raaxaysanayay garoonkaa Lusail Stadium, iyadoo uu kabtanka xulka Argentina laba jeer shabaqa taabtay, waxaanay taasi u buuxisay tirada 20 gool oo Koobka Adduunka ah oo uu ku lug yeeshay, taas oo ka dhigaysa ciyaartoygii ugu badnaa ee 20 gool oo dhalin iyo caawin iskugu jira ka sameeya Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1966kii.

Ceebta ka dhacday garoonka ee bannaanka keentay sida ay Faransiisku ugu jabeen Karim Benzema ayaa ahayd in qaybtii hore aanay xataa hal mar kubadda ku taabanin diilinta 18aad ee goolka Argentina horteeda, mana  jirin ciyaartoy ka tirsan xulka difaacanayay Koobka Adduunka oo kubbad lasoo galay amaba ku taabtay xerada ganaaxa.

ADVERTISEMENT

Marcus Thuram iyo Kolo Muani oo daqiiqaddii 41aad soo galay ciyaarta ayaa isbeddel ku sameeyey xulka qaranka France oo dib usoo nooleeyey qaybta dambe, laakiin ma aanay ahayn kuwo si fiican u shaqaynaya illaa ay garoonka soo gelayeen Kingsley Coman iyo Eduardo Camavingta.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

0 – France failed to attempt a shot or register a touch in the opposition box in the first half. Zéro. pic.twitter.com/jfyuvJOzxv

— OptaJoe (@OptaJoe) December 18, 2022

Taageereyaasha Faransiiska ayaa qaybtii hore falcelin ka sameeyey sida ay kooxdoodu u burbursan tahay, waxaanay eedaynayeen Olivier Giroud oo aan xataa kubadda taaban oo iska taagnaa iyo Deschamps oo ay ku canaanayeen sababtii uu ugu yeedhi waayey Benzema.

ADVERTISEMENT
Share508Tweet318
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.