Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Casemiro Oo SADDEX Arrimood Oo Muhiim Ah Ka Dalbaday Manchester United

by Abdiwahab Ahmed
December 2, 2022
0
Muxuu Ahaa Ficilka Uu Jeclaystay Erik Ten Hag Ee Uu Casemiro Sameeyey Qaybtii Hore Ee Ciyaartii West Ham?

Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Casemiro ayaa saddex shuruudood oo muhiim ah ku xidhay kooxdiisa Manchester United xilligii uu wada-hadalka kula jiray ee ay kala soo wareegayeen Real Madrid, kuwaas oo tababare Erik ten Hag iyo maamulka Red Devils ay aqbaleen inay u fulinayaan.

ADVERTISEMENT

Casemiro oo Manchester United ay £70 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Real Madrid, ayaa si fiican ula jaan-qaaday, waxaana uu Old Trafford ka noqday xiddig lama taabtaan ah.

30 jirkan oo toddobadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League ugu soo bilowday Manchester United, ayaa ka caawiyey afar guulood iyo laba barbarro ah, halka ciyaarta kaliya ee ay guul-darraysteenna ay ahayd kulankii Aston Villa ay 3-1 kaga badisay.

Waxa uu muddadaas dhaliyey hal gool iyo hal caawin, balse waxa uu hoggaaminayaa taakallada iyo kubbad-burburinta Premier League isaga oo sameeyey 35 taakal, waana ciyaartoyga ugu badan ee sidaa sameeyey horyaalka Premier League, waxaanu siddeed taakal ka horreeyaa Diogo Dalot oo ah laacibka kusoo xiga.

ADVERTISEMENT

Casemiro oo xulka qaranka Brazil kula guuleystay Copa America sannadkii 2019, isla markaana kooxdiisii hore ee Real Madrid la qaaday shan Champions League, ayaa hadda ka mid ah xiddigaha tiir-dhexaadka u ah xulka qaranka Brazil ee Koobka Adduunka, waxaana uu kusoo bilowday labadii ciyaarood ee Serbia iyo Switzerland oo uu dhaliyey gool gool.

Sidoo Kale Akhri

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

January 28, 2023
HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023

Sida uu qoray wargeyska Manchester Evening News, Casemiro ayaa markii uu Manchester United wada-hadalka kula jiray ee aanu u saxeexin heshiiska, waxa uu ku xidhay saddex arrimood oo muhiim ah oo uu doonayay inuu ogaado.

Casemiro ayaa weydiiyey Manchester United inay tusaan oo ay waliba muuqaal uga soo duubaan garoonka tababarka, gaar ahaan qolka jimicsiga ee gym-ka, maadaama uu isagu aad u xiiseeyo dhinaca culayska la qaado. Casemiro ayaa waqtigiisii Real Madrid waxa uu subax walba 8da iska xaadirin jiray qolka gym-ka, marka uu soo dhamaystana ciyaartoyda kale ayuu mar lasoo geli jiray tababarka caadiga ah.

Manchester United ayaa muuqaal uga soo duubtay garoonka tababarka, iyaga oo si toos ah FACETIME uga daawadsiiyey waxyaabaha lagu jimicsado ee yaalla garoonka tababarka.

Waxa kale oo Casemiro uu weydiiyey Manchester United halka uu ku noolaanayo, sida guriga uu degayo maadaama uu xaas iyo carruur leeyahay, waxaanay kooxdu markii hore sii dejisay hotel ka hor intii aanay u helin guri qasri ah oo uu dego.

ADVERTISEMENT

Arrinta saddexaad ee uu Casemiro kala hadlay Manchester United ayaa ahayd waqtigiisa ciyaareed oo aanu doonayn inuu gorgortan ka galo.

 

Share401Tweet251
ADVERTISEMENT

Related Posts

Mikel Arteta Oo Qirasho Weyn Sameeyay Kaddib Guuldarradii Xilli Ciyaareedkooda Soo Af-Meertay Ee Newcastle United

WERWER: Mishiinka Arsenal Oo Ku Dhaawacmay Kulankii Man City & Arteta Oo Werwersan

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Arsenal iyo guud ahaan jamaahiirta kooxdaas ayaa werwer kala laabtay kulankii FA Cup ee ay xalay ku hadheen...

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Man United v Reading – Red Devils Oo FA Cup U Jeedsanaya, Xiddiga Usoo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Man United ayaa isha ku haysa inay boos ka samaysato wareega shanaad ee FA Cup-ka kahor kulanka ay wareega afraad...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.