Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Casemiro Kaadh Ma Qaateen Sidoo Kale….” – Redknapp Oo Toos U Tilmaamay Go’aankii Garsooruhu Xalay Ku Dilay Man United

by Apdihakem Omer Adam
January 19, 2023
0
“Chelsea Horyaalka Kuma Guuleysan Doonto Ilaa…..” – Jamie Redknapp Oo Runta U Sheegay Thomas Tuchel Iyo Maamulka Blues

Khabiirka kubadda cagta England ahna xiddigii hore ee Liverpool ee Jamie Redknapp ayaa aaminsan in Man United lagu qaldamay kulankii ay xalay barbardhaca 1-1 ah la gadhay Crystal Palace oo ay Selhurst Park marti ugu ahayd.

ADVERTISEMENT

Bruno Fernandes ayaa dhammaadkii qaybtii hore hoggaan 1-0 ah u dhiibay Manchester balse Michael Olise ayaa Red Devils daqiiqadii 91-aad wadnaha ku jaray laad xor ah oo uu shabaqa David De Gea dhex dhigay.

Red Devils ayaa isha ku hayay guul ay kala laabtaan magaalada London iyo booska labaad oo ay kusii fadhiistaan balse waxa daqiiqado kahor dhammaadka ciyaarta riyadaas kala kiciyay Olise.

Dhirbaaxada kale ee Manchester ka gaadhay ciyaartaas ayaa ahayd in burburiyaha khadka dhexe ee Casemiro uu kaadh jaale ah qaatay sidaasna ku seegayo ciyaarta muhiimka ah ee ay Arsenal booqanayaan Axada.

ADVERTISEMENT

Redknapp ayaa qaba in Man United ay ahayd in rigoore loo dhigo daqiiqadii 71aad ee ciyaarta kaddib qalad uu daafaca dhexe ee Omar Richards ku galay Scott McTominay.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Taas ayaa ka dhignaan lahayd in Man United hoggaanka 2-0 ku qaban karto isla markaana tababare Erik Ten Hag deg-deg u bedelo Casemiro si uu uga badbaado kaadhka.

“Shaqsiyan waxaan filayaa inuu wax cad oo muuqda yahay, waa xirfad qurxoon oo McTominay sameeyay, wuu khiyamay, inuu qalad ku galo ayuu sugay isaguna (Richards) ma taaban kubadda”.

“Haddii rigooraha la dhigo taasi waxay noqon kartay 2-0 iyo Casemiro oo diyaar u ah kulanka Axada, wuxuu ahaa rigoore”.

Image

ADVERTISEMENT
Share455Tweet285
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.