Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Casemiro, Eriksen, Fernandes Mise …? Xiddiga Manchester United Ee La Wareegaya No.7 Oo La Ogaaday

by Abdiwahab Ahmed
January 3, 2023
0
Casemiro, Eriksen, Fernandes Mise …? Xiddiga Manchester United Ee La Wareegaya No.7 Oo La Ogaaday

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xiddig ka tirsan kooxdeeda u xidhaysa lambarkii uu banneeyey Cristiano Ronaldo ee No.7, kaas oo ay u arkaan in uu mustaqbalka noqon karayo xiddig weyn oo hoggaamiya Red Devils, sidoo kalena ay u arkaan inay arrintani qayb ka qaadan karto inuu qandaraaskiisa cusboonaysiiyo oo uu sii joogo Old Trafford.

ADVERTISEMENT

Mancchester United  oo caawa la ciyaaraysa  Bournemouth ayaa soo cidhiidhsan karta kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, waa se haddii ay Arsenal ka badiso Newcastle United.

Iyadoo kooxdu isku diyaarinaysa ciyaaartan ayaa waxa soo baxaya warka sheegaya, in Manchester United ay qorshaynayso inay si toos ah ula hadasho xiddig lagu tilmaamo inuu yahay kuwa ugu fiican Old Trafford waqtigan, si ay ugu bandhigaan inuu la wareego No.7.

Bruno Fernandez ayaa haysta lambarkii riyadiisa ee No.8 mana beddeli doono, sidoo kale Casemiro waxa uu ku qanacsan yahay lambarka uu xidhan yahay ee uu ka dhaxlay Fernandes laakiin ay hore u haysan jiray halyeygii ay isku booska ahaayeen ee Paul Scholes ee No.18.

ADVERTISEMENT

Eriksen ayaa isaguna aan doonayn inuu beddelo lambarka uu xidhan yahay, halka Antony uu haysto lambarkii uu jeclaa ee No.11 iyadoo Anthony Martial uu ku dhegsan yahay lambarka muujinaya booska  uu ka ciyaaro.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Sida uu qoray wargeyska Daily Express, Manchester United ayaa waxay doonaysaa in ay No.7 ku wareejiso xiddiga reer England ee Marcus Rashford oo ah isha ugu weyn ee goolasha ay ka helayeen xilli ciyaareedkan.

25 jirkan ayay kooxdu doonaysaa inuu raaco raadka halyeeyadii kooxda ee Eric Cantona, David Beckham iyo George Best, isla markaana uu la wareego lambarka 7, hase yeeshee warku ma sheegin fikirka laacibkan oo Manchester United u xidha lamabrkii Wayne Rooney, Denis Law iyo Ruud van Nistelrooy ee No.10.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in Manchester United ay No.7 la sugayso xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Atletico Madrid.

ADVERTISEMENT
Share470Tweet294
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.