Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Carlo Ancelotti Oo SADDEX Kalmadood Oo Kaliya Ugu Jawaabay Arsenal Oo Ka Doonaysa Camavinga

by Abdiwahab Ahmed
January 21, 2023
0
Carlo Ancelotti Oo SADDEX Kalmadood Oo Kaliya Ugu Jawaabay Arsenal Oo Ka Doonaysa Camavinga

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay damaca Arsenal ee la xidhiidha xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Eduardo Camavinga, kaas oo la sheegay in Gunners ay ku doonayso inay amaah ku qaadato illaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

ADVERTISEMENT

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu sheegay, in xiddiga reer France uu lama-taabtaan u yahay kooxdiisa oo aanu marnaba iib ahayn amaba aanu si kale ku bixi doonin.

Eduardo Camavinga oo kusoo bilowday ciyaartii Villarreal ee Copa del Rey ayaa uu Ancelotti u yeelay tilmaamo uu ku sifeeyey saddex erey oo kaliya, halka uu dhinaca kalena barbar-dhigay Luka Modric iyo Toni Kroos.

Ancelotti oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta Athletic Bilbao ee San Mames ee Axadda ayaa la weydiiyey waxa uu kala socdo doonista Arsenal ee Eduardo Camavinga, waxaanu ku jawaabay: “Eduardo waa lama taabtaan.”

ADVERTISEMENT

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu raaciyey: “Isagu waa ciyaartoygayaga, waxa uu muhiim noogu yahay sida Luka Modric iyo Toni Kroos oo kale.”

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Eduardo Camavinga ayay Real Madrid kasoo iibsatay kooxda reer France ee Rennes sannadkii 2021, waxaana uu illaa hadda u saftay 66 ciyaarood isaga oo kula guuleystay Champions League iyo LaLiga.

Xilli ciyaareedkan socda ayaa uu saftay 26 kulan oo uu 11 ka mid ah kusoo bilowday, waxaana  uu caawiyey hal gool oo ay kooxdiisu dhalisay, laakiin waxa uu saluugsan yahay daqiiqadaha uu garoonka  ku jiro.

ADVERTISEMENT
Share484Tweet302
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.