Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa daqiiqaddii ugu dambaysay ka codsaday boodhka naadigiisa in ay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan saxeexa xiddig la sheegay in uu kusii jeedo kooxda reer France ee Paris Saint-Germain, kaas oo u muuqanayay in aanay cidina kula loollamayn Christophe Galtier.
Real Madrid ayaa hore u sheegtay in aanu qorshaheeda ku jirin inay ciyaartooyo la saxeexato bishan January, hase yeeshee Carlo Ancelotti ayaa waxa uu beddelayaa qorshihii naadigiisa.
El Nacional ayaa xaqiijisay, in tababare Carlo Ancelotti uu ku wargeliyey Florentino Perez iyo boodhka sare ee maamula naadiga, in ay la saxeexdaan oo Santiago Bernabeu loogu keeno difaaca Inter ee Milan Skriniar oo lix bilood kaddib xor ka noqonaya Inter Milan.
Daafaca reer Slovakia ayaa joojiyey wada-hadallo heshiis kordhin ah oo Inter ay u bandhigtay, waxaana u gacan-haadinaysa PSG oo in muddo ahba lala xidhiidhinayay.
Ancelotti ayaa doonaya in ay kooxdiisi si bilaash ah ula soo wareegto Skiniar xagaaga foodda inagu soo haya, haddana ay kasii shaqeeyaan in heshiiskaas ay meel isla sii dhigaan laacibkan, iyaga oo adeegsanaya xeeladdii ay xagaagii kusoo xero-geliyeen Antonio Rudiger.
Qorshaha Ancelotti ayaa waxa uu yahay inuu difaaca dhexe ka wada ciyaarsiiyo Skriniar iyo Antonio Rudiger, taas oo siinaysa fursad uu daafaca bidix ugu riixo David Alaba, halka Eder Militao iyo Nacho Fernandez uu ka dhigan doono kaydka, inkasta oo daafaca reer Spain ay suurtogal tahay inuu ka tago kooxda xagaaga.