Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay €60 milyan oo Euro dul-dhigtay xiddig muddo dheer bartilmaameed u ahaa Manchester United oo ay si fudud uga afduubanayaan iyadoo waqtigan uu tababare Erik ten Hag ka gaabinayo inay suuqa iibka ciyaartoyda kala soo wareegaan saxeexyo cusub.
Real Madrid ayaa raadinaya gool-dhaliye u beddela Karim Benzema oo ay da’diisu sii weynaanayso, waxaana uu tababare Carlo Ancelotti calmaday weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo muddo dheer lala xidhiidhinayay Manchester United.
Osimhem oo ay da’diisu tahay 24 jir ayaa ka mid ah dileyaasha horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay Napoli laba sannadood ka hor lacag gaadhaysa €80 milyan oo Euro kaga soo iibsatay kooxda reer France ee Lille sannadkii 2020.
Xilli-ciyaareedkii tegay ayuu Osimhem ku guuleystay ciyaaartoyga da’yarta ee ugu wanaagsan horyaalka Serie A, waxaana dhamaystirkiisa iyo shaqada auu garoonka ka qabto ee uu marba boos tago ay soo jiidatay Real Madrid oo doonaysainay xagaaga u dhaqaqdo.
Xilli ciyaareedkan socda ayuu gool-dhalin heersare ah samaynayaa, waxaana 15 ciyaarood oo Serie A ah oo uu saftay uu dhaliyey 13 gool iyo saddex kale oo uu caawiye ka noqday, taas oo kooxda tababare Luciano Spalletti kaa caawisay inay hoggaanka horyaalka hayaan.
Don Balon ayaa sheegtay, in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uu diyaariyey dalab xambaarsan €60 milyan oo Euro oo uu suuqa xagaaga u gdubin doono Napoli, inkasta oo ay wararku sheegayaan in aanay kooxda Talyaanigu aqbali doonin wax ka hooseeya lacagtii ay hore ugu soo iibsatay laacibkan oo ahayd €80 milyan oo Euro.
Karim Benzema oo ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or sannadkii hore ee 2022, ayaa xilli ciyaareedkan la daalaa-dhacaya dhaawacyo, waxaana uu kaliya u saftay 17 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 11 gool, iyadoo da’diisuna ay tahay 35 jir.
Osimhem ayaa qandaraaska uu kula jiro Napoli waxa uu ku egyahay June 2025, waxaana labadii sannadood ee uu ku sugnaa Diego Maradona Stadium uu u saftay 81 ciyaarood oo uu u dhaliyey 42 gool iyo 13 kale oo uu caawiye ka noqday.