Xulka qaranka Cameroon ayaa barbarro 3-3 ah ku wadaagay dhibcaha kulan ka tirsanaa Group-ka G ee Koobka Adduunka, kaas oo laba jeer uu xulka qaranka Cameroon ka daba yimid Serbia oo saddex gool oo daran-doorri ahaa is-raacisay daqiiqado gudahood.
Cameroon ayaaa gool la hormartay hormartay qaybtii hore, hase yeeshee waqtigii dheeraadka ahaa ayaa ee ka hor intii aan loo bixin nasashada ayaa laba gool oo saddex daqiiqadood gudahood ah ay Serbia la timid, iyadoo markii lasoo laabtayna ay gool saddexaad raaciyeen.
Xulka Maroodiyada Afrika ayaa laba gool oo laba daqiiqadood oo isku xiga ah ku dilay Serbia qaybtii labaad, waxaanay dib ugu soo nooleeyeen rajadooda Koobka Adduunka oo ku xidhnaanaysa natiijada ay keenaan ciyaartooda ugu dambaysa iyo sidoo kale maxsuulka kulamada kale ee hormadan ku wehelinaya.
Daqiiqaddii 29aad ayuu Jean-Charles Castelletto hoggaanka u dhiibay Cameroon kaddib markii uu kubbad koorne ahayd oo madax uu kusoo dhuftay N’Koulou uu soo raacay, isla maarkaana lugta midig ku dhamaystiray isaga oo goolka hortiisa taagan, waxaana uu ku sujuuday gudaha garoonka ay tobannaanka kun fadhiyeen ee Al Janoub Stadium.
Tababare Song ayaa ku silcay goolhaye xumada, kaddib markii uu xulka qaranka dalkaas ka eryay Andre Onana oo laga saaray liiska xulka saacado ka hor, waxaana Devis Epassy oo beddelay uu muujiyey in aanu ahayn goolhaye caalami ah oo leh feejignaan iyo xirfad la mid ah Onana.
Daqiiqaddii 45+1 ayay Serbia la timid goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Strahinja Pavlovic oo ka faa’iidaystay goolhaye xumada Cameroon, waxaanay rumaysteen in markii ay goolkaas keeneen ay awood u yeelanayaan inay goolal kalena la yimaaddaan.
Iyadoo aanu dhamaanin dabbaal-degga goolka koowaad ee Serbia ayaa haddana kubbad kale oo degdeg ah ay markiiba keeneen xerada ganaaxa, waxaana si yar oo fudud u dhaafiyey goolhaye Epassy xiddiga khadka dhexe ee Milinkovic-Savic, waxaana lagu kala nastay 2-1 ay hoggaanka ku haysay Serbia.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay siddeed daqiiqadood ayaa mar kale uu xulka qaranka Serbia sii dheeraystay hoggaanka ciyaarta, waxaana gool saddexaad u dhaliyey Aleksandar Mitrovic.
Cameroon oo u muuqanaysa iniay rajo la’aan tahay ayuu tababare Song soo geliyey weeraryahanka Vincent Aboubakar oo beddelay niyadda iyo qaab ciyaareedka xulkiisa.
Daqiiqaddii 63aad ayuu Vincent Aboubakar kubbad uu ka daba baxay difaaca waxa uu ka dulqaaday goolhayaha isaga oo ku hubsaday shabaqa, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 2-3. VAR oo laga soo hubiyey goolkan ayaa xaqiijisay inuu sax yahay, waxaanu garsooraha oo qabtay offside uu ku qasbanaaday inuu ka laabto go’aankiisa.
Daqiiqaddii 66aad ayuu haddana Vincent Aboubakar mar kale ka daba baxay difaaca Serbia, waxaana uu kubadda kala soo galay dhinaca midig, isaga oo goolka hortiisa u dhigay Choupo-Moting oo isaguna lugta bidix ku dhamaystiray.
Fursado kale ayay heleen labada xul balse midkoodna kama faa’iidaynin, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-3 ay dhibcaha ku wadaageen Cameroon iyo Serbia oo haysta min hal dhibic, halka Brazil iyo Switzerland oo min saddex dhibcood leh ay iyaguna fiidka wada ciyaari doonaan.