Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Cameroon Oo Guul-darro Uu Wiilkooda Embolo U Horseeday Ku Furatay Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 24, 2022
0
Cameroon Oo Guul-darro Uu Wiilkooda Embolo U Horseeday Ku Furatay Koobka Adduunka

Xulka qaranka Cameroon ayaa guul-darro ku bilowday Koobka Adduunka, waxaana 1-0 kaga adkaaday dhiggooda Switzerland taas oo ka dhigan in dalalka Afrika ku metelaya Koobka Adduunka aanay illaa hadda wax guul ah gaadhin.

ADVERTISEMENT

Breel Embolo oo u dhashay Cameroon laakiin u ciyaarayay xulka qaranka Switzerland ayaa dhaliyey goolka kaliya ee kulanka, iyadoo waddankiisa dhabta ah uu guul-darro xanuun badan u xambaariyey.

Ciyaartan oo labada xul ay taxadar badan samaynayeen, isla markaana fursadaha la kala helay koobnaayeen, ayaa uu Breel Embolo goolka ku aftaxay bilowga qaybta labaad isaga oo dhamaystiray baas qurux badan oo uu xerada ganaaxa ugu soo dhiibay Xherdan Shaqiri, hase yeeshee waxa uu Breel Embolo iska diiday inuu u dabbaal-dego goolkaas.

Cameroon 1

ADVERTISEMENT

Cameroon ayaa qaybtii hore heshay fursado fiican iyaga oo dhawr jeer weerarro rogaal-celis degdeg ahaa ku ekeeyey goolka Switzerland, waxaase la degay Mbeumo oo fursaddii ugu fiicnayd ee ay heleen ka klumiyey, kaddib markii kubbad uu ka helay xerada ganaaxa oo uu u dhiibi karayay Choupo-Moting uu go’aansaday inuu goolka ku toogto.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Goolhayaha Switzerland ee Sommer ayaa sidoo kale badbaadiyey kubbad uu Hongla dhamaadka qaybta hore ula timid oo gool loo qaatay, ka hor intii aanay Akanji iyo Vargas khasaarinin kubbado goolal loo qaatay.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Switzerland hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana kubbad uu Shaqiri kasoo dhiibay dhinaca midig gool u beddelay Embolo oo afka qabsaday, isaga oo muujinaya sida uu uga xun yahay inuu waddankiisa gool ka dhaliyo, inkasta oo uu kasoo horjeeday oo uu u ciyaarayay Switzerland.

Goolhaye Onana ayaa fursad cajiib ahayd ka dafiray Xhaqiri oo bannaanka kaga toogtay laad hoose, halka waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartana uu Castelletto noqday shimbirka Cameroon kala baxsaday gool labaad, iyadoo uu isku dhigay kubbad uu Stevovic la yimid goolka hortiisa oo uu darbad xooggan ku toogtay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Switzerland oo yeelatay saddex dhibcood iyaga oo hoggaanka u qabtay group G oo ay ku wehelinayaan Brazil iyo Serbia oo caawa wada ciyaaraya.

ADVERTISEMENT
Share284Tweet177
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.