Cameroon ayaa guul lama filaan 1-0 ah ka gaartay xulka Brazil laakiin waa ay awoodi waayeen inay u soo baxaan wareega xiga ee Koobka Adduunka halka Brazil ay kaalinta 1aad uga soo baxday Group G.
Tababare Tite ayaa nasasiiyay inta badan ciyaartoyda shaxdiisa isagoo soo safay xiddigaha kursiga keydka ee Brazil, laakiin waxay iska caabin kala kulmeen xulka Cameroon oo difaacooda uu adkaa.
Brazil ayaa heysatay kubada inteeda badan, waxayna heleen fursadaha intooda badan, waxayna u muuqatay inay ciyaarta ku dhamaaneyso barbaro goolal la’aan ah laakiin waqtigii dhimashada ciyaarta ayay Cameroon dhalisay goolka guusha markii kabtan Aboubakar uu shabaqa soo taabtay.
Kabtanka ayaa waxaa qaaday xamaasada isagoo iska bixiyay maaliyadii markii uu goolka u dabaaldegayay, wuxuuna ku muteystay jaale labaad isagoo casaan la siiyay.
Inkastoo Cameroon ay badisay hadana waxaa guusheeda wax kama jiraan ka dhigay Switzerland oo badisay kulankii ay la ciyaarayeen xulka Serbia.
Xulka Switzerland oo guul waali 3-2 ah ka gaartay xulka Serbia oo ay isku rafaadeen.
Switzerland ayaa hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Shaqiri, laakiin waxaa barbareeyay Mitrovic ka hor inta uusan Vlahovic hogaanka u dhiibin Serbia.
Rajadii Serbia ayaase dhimatay markii Embolo uu goolka barbaraha dhaliyay ka hor waqtigii nasashada.
Switzerland qeybtii labaad ayay xaqiijisteen guusha markii uu goolka guusha u dhaliyay Freuler.
Kulankaan ayaa ahaa kulan la isku rafaaday iyadoo garsooraha uu bixiyay 11 kaadh oo hurdi ah, iyadoo 7 ka mid ah ay qaateen xiddigaha xulka Serbia.
Brazil iyo Switzerland ayaa soo baxay iyagoo leh min 6 dhibcood, waxay Brazil kaalinta koowaad ku gashay farqiga goolasha.
Cameroon waxay ku hartay kaalinta 3aad iyagoo leh 4 dhibcood, halka Serbia ay u hooseysay guruubka iyagoo leh 1 dhibic.
Brazil waxay wareega 16ka la ciyaari doontaa South Korea halka Switzerland ay isku dhici doonaan xulka Portugal.