CAJIIB: Wixii Uu Joshua Kimmich U Qirtay Xiddigaha Barcelona Kaddib Kulankoodii Toddobaadkan Oo Banaanka La Keenay

Dhawaan ayay ahayd markii kulan xiiso badan oo UEFA Champions League ahi uu kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona ku dhex  maray gegida Allianz Arena iyadoo ugu dambayn kooxda martida loo ahaa guuleysatay.

Bayern ayaa dhawr mar soo bahdilay Barca sanadihii ugu dambeeyay waxaana ay kooxda ree Spain u socotay aargudasho balse markale ayaa loog adkaaday goolal ay ka dhaliyeen Lucas Hernandez iyo Leroy Sane.

Barcelona ayaysan ahayn inay aad uga niyad-jabto kulankaas maadaama ay wax badan oo wanaagsan kasoo sameeyeen xiddigahoodu kulankana fursadaha fiican iyagu heleen.

Advertisements

Haatan sida lagu daabacay wargeyska Mundo Deportivo, Joshau Kimmich, khadka dhexe ee Bayern Munich ayaa kulanka kaddib u hambalyeeyay in badan oo kamida xiddigaha Barcelona kaddib qaabka ay u ciyaareen.

Kimmich ayaa u sheegay inuu la dhacsan yahay horumarka iyo isbedelka ay soo sameeyeen sagaal bilood oo ay labada kooxood kala maqnaayeen isaga oo u sheegay inay gabi ahaanba qabsadeen intii kulanku socday.

Labada kooxood ayaa markale Camp Nou ku kulmi doona maadaama aan Group-yada Champions League laga dhammaan, Barcelona ayaa markale isku dayi doonta inay ceebaha Bavaria iska maydho.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada