Waxa la helay nuqul kamida waraysigii ugu horreeyay ee abid laga qaaday Lionel Messi oo 13 sano jir ah kaas oo aad loo hadal hayo kahor Finalka Koobka aduunka ee uu habeen dambe ciyaari doono.
35 sano jirkaas ayaa la wadaaga Kylian Mbappe haatan gool-dhalinta Koobka aduunka xilli uu si weyn u doonayo rumaynta riyadiisii ahayd ku guuleysiga Koobka aduunka.
Balse kahor kulanka ugu muhiimsan waayaha ciyaareed ee Leo ayuu wargeyska magaalada Rosario ee Messi kasoo jeedo kasoo baxa ee Diario La Capital daabacay waraysi hore looga qabtay Leo.
Weeraryahanka PSG ayaa wakhtigaas joogay kooxdiisii carruurnimo ee Newel’s Old Boys waxayna ahayd kahor intii uusan Barcelona ku biirin.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in markii Messi waraysigaas lagu weydiiyay hammigiisa iyo shaqada uu doonayo mustaqbalka uu doortay inuu noqdo macalin xiisada ciyaaraha ka bixiya goobaha waxbarashada (PE Teacher).
Messi ayaa wakhtigaas ciyaaraha labaad ee uu xiiseeyo ku sheegay kubadda gacanta “Hand Ball” halka Filimka uu daawashadiisa ugu jecel yahay uu ku sifeeyay “Baby’s Day Out”.