Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

CAJIIB: Sawirka Mbappe Oo Lagu Dhajiyay Qolka Labiska Barcelona, Shaqsigii Ka Dambeeyay & Waxa Uu Uga Jeeday

by Saed Mohamed
April 7, 2021
1
Mbappe

Kylian Mbappe ayaa ahaa xiddiga kulankii dhex maray kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain bishii hore walow tababare Ronald Koeman uu ahaa mid qaab xiiso leh iskugu dayay inuu xiddigaha kooxdiisa ugu sheego sida uu halista ugu yahay.

ADVERTISEMENT

Tababaraha Dutch-ka ah ayaa isku dayay inuu dhiirigelin u sameeyo xiddigaha kooxdiisa kahor kulankaas lagu bahdilay Camp Nou dhexdiisa balse qaabka uu dhiirigelinta u sameeyay ayaan noqon mid wax muuqda taray.

Image

Kulanka oo ahaa lugta koowaad ee wareega 16-ka Champions League ayay Paris ku guuleysatay 4-1 iyadoo Mbappe uu saddexley goolal ah dhaliyay.

ADVERTISEMENT

Xiddigaha Barcelona garoonka ugu jiray ayaa ahaa kuwo waxay ka qaban karayeen Mbappe ay yarayd inkasta oo Koeman uu isku dayay inuu halistiisa uga digo ciyaarta kahor.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe ee France kasoo baxaa, Koeman ayaa isku dayay inuu xiddigahiisa guubaabiyo isaga oo sawirka Mbappe ku dhajiyay qolka labiska kooxda si ay u arkaan ciyaaryahanka uu ku sifeeyay cadawga koowaad ee ay wakhtigaas lahaayeen.

Koeman ayaa ahaa mid ku faraxsan qaabka ay ciyaaryahanada kooxdiisu ula macaamileen Kylian 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyay iyadoo Lionel Messi uu rigoore hoggaanka ugu dhiibay wakhtigaas.

Balse haddiiba uu shaki ku jiray xiddiga ugu muhiimsan ee garoonka ku jira, Mbappe ayaa deg-deg kor iskugu qaaday isaga oo goolka bar-bardhaca u keenay kooxdiisa kahor inta uusan ka labaad hoggaanka ugu dhiibin.

Koeman oo kulankaas kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in natiijadu ay muujinaysa sida ay PSG uga awood badnayd isaga oo diiday inuu wax marmarsiyo ah sameeyo.

ADVERTISEMENT
Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Comments 1

  1. Liiboos says:
    2 years ago

    Ciwanka kore iyo fahfahintisa hose ismablahan bena manilugubarn

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.