CAJIIB: Rudiger Oo Ka Warramay Arrintii Ugubka Ahayd Ee Uu Tababare Ancelotti Kala Kulmay Markii Uu Real Madrid U Wareegay

Daafaca suuqii xagaaga kusoo biiray kooxda Real Madrid ee Antonio Rudiger ayaa ka warramay soo dhawayn layaab leh oo uu ka helay tababarihiisa Carlo Ancelotti isla markii uu ka degay magaalada Madrid.

Wax badan ayaa laga qorayay Ancelotti markii uu xagaagii sanadkii hore dib u noqday tababaraha Real Madrid iyadoo dadka qaarkood ka shakisanaayeen haddii uu markale awood ka dhigi karo kooxda balse wararkaas ayaa waxba kama jiraan noqday isagoo awoodiisa ‘Shaqsi-Maamul’ meel sarre ku geeyay Los Blancos.

Rudiger ayaa xagaagii heshiis bilaash ah Madrid ugaga yimid dhinaca Chelsea, marka laga yimaado inuusan wali boos joogto ah helin haddana daafaca ree Germany ayaa kaliya xurmo u haya tababaraha Talyaaniga ah.

Advertisements

Waraysi uu siiyay wargeyska German-ka ah ee Sport1, Antonio ayaa ku sharaxay kediskii uu ugu yimid Ancelotti isla markii uu magaalada Madrid guri ka degay.

“Dhawr saacadood ayumbaan markaa gurigayga cusub la joogay qoyskayga markii uu gambaleelku nagu soo dhacay, Albaabka ayaan furay wuxuuna ahaa Carlo Ancelotti, daqiiqad saamayn badan” ayuu yidhi Rudi.

“Miiska ayuu nala fadhiistay si uu wax noola cuno oo uu qoyskayga u kala barto, laba saacadood ayuu halkaas nala joogay, waxkasta ayaanu ka wada hadalnay. Waligay khibradaas oo kale hore uma korodhsan, tababare sidan oo kale ii sameeyay ma jiro”.

“Don Carlo, halyeey Champions League ku guuleysanayay markii aan caruurta ahaa inaan kula shaqeeyo kooxda ugu weyn dunidu waa wax cajiib ah”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada