Faransiiska ayaa ku guul-darraystay in uu laba jeer oo isku xigta ku guuleysto Koobka Adduunka, waxaana taariikhdaas ka hor istaagtay Argentina oo xalay rikoodheyaal kaga badiyey. Jamaahiirta xulka qaranka Faransiiska ayaa falcelin ka sameeyey guul-darrada soo gaadhay xulkooda, waxaanay ku eedeeyeen Raphael Varane oo waliba aanay xusin qalad uu sameeyey balse samayska iyo baaxadda jidhkiisa ay guul-darrada u aaneeyeen.
Kaddib maarkii ay Lionel Messi iyo Angel Di Maria hoggaanka u dhiibeen Argentina qaybtii hore, Kylian Mbappe ayaa laba gool oo daran-doorri ah is-raaciyey oo ciyaarta ku qasbay in waqti dheeraad ah lagu daro.
30 daqiiqadood oo dheeraad ahaa ayaa uu Lionel Messi gool saddexaad u saxeexay xulkiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-2. Varane ayay taageereyaashu ku eedeeyeen goolkan, sababta oo ah Encho Fernandez ayaa kubadda ka dhax saaray difaaca waxaanu u dhiibay Lautaro Martinez oo isaguna goolhaye Hugo Lloris ula tegay kubadda laakiin laga badbaadiyey. Lionel Messi ayaa kubadda kasoo booday Lloris ku celiyey, sidaasna ku dhaliyey.
VAR ayaa laga soo hubiyey shaki offside oo jiray, waxaana caddaatay in Varane uu foorarsaday oo qaarka dambe ee jidhkiisa iyo qaarkiisa hore ay ku dhowaad mitir iyo dheeraad qaateen, isla markaana uu offside-ka ka saaray Martinez.
Taageereyaasha reer France ayaa baraha bulshada ku canaantay Varane, waxaanay sheegeen in jidhkiisa weyn iyo sida uu isku kala bixiyey ee uu u foorsaday ay sababtay guul-darrada dalkiisa.
Hadal-haynta ugu badan ayaa ahayd in Varane uu leeyahay dabo weyn oo uu waliba foorsaday, taasina fursadda siisay Martinez oo gacantiisa oo offside ku jiri lahayd ay dabada Varane la simantay oo sidaas uu offside-ka kaga saaray.