Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Mason Mount ayaa daboolka laga qaaday mushaharka uu ka diiday kooxdiisa kahor inta uusan u duulin koobka aduunka oo uu England ku metelayo.
Chelsea ayaa ku waafaqday inay joojiso wadahadalka heshiiskiisa inta koobka aduunku socdo balse way adkaan doontaa inay kor uga kacaan qoddobada qandaraaskii ay hore ugu soo bandhigeen.
Mount ayaa si wanaagsan u ciyaaray kulankii koowaad ee England guusha 6-2 ah ka gaadhay Iran balse aad loogu dhaliilay doorkiisii kulankii ay USA barbardhaca la galeen xalay.
Sida uu hore u sheegay wargeyska The Telegraph, Mount ayaa doonaya mushahar 300,000 oo pound ah isagoo eeganaya Raheem Sterling oo tiradaas oo kale loo saxeexay markii uu Man City kaga yimid xagaagii.
Chelsea ayaa usoo bandhigtay 23 sano jirkaas mushahar 200,000 oo pound ah toddobaadkii oo ah mushahar aad u badan caadiyan balse kuma qanacsana.
Chelsea ayaa bishii September filanaysay inay heshiis kordhin la wada gaadho Mount iyo Reece James, daafaca midig ayaa saxeexay qandaraas toddobaadkii 250,000 oo pound ah balse midka Mount ayaa wali taagan.
Mason ayaa 85,000 oo pound haatan toddobaadkii ka qaata Chelsea, waxa uu kamid yahay xiddigaha ugu mushaharka yar maadaama oo uusan heshiis cusub saxeexin tan iyo markii uu amaahdii Derby County kasoo noqday.