Maamulka kooxda Manchester City ayay warar cusubi sheegayaan inay go’aan si gaar ah u taabanaya Arsenal ka gaadheen arrimahooda suuqa kala iibsiga.
Wargeyska Football Insider ayaa sheegaya in go’aanka Man City yahay inaysan ciyaartoy dambe ka iibin Arsenal oo laba xiddig ka qaadatay suuqii xagaaga.
Kooxda difaacanaysa Premier League ayaa ogolaatay in Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus ay xagaagii ka hayaamaan iyagoo Emirates Stadium ka degay.
Labadaas xiddig ayaa qayb muhiim ah ka ciyaaray xilli ciyaareedka ilaa haatan guusha ah ee Gunners oo hoggaanka Premier League shan dhibcood kaga haya Man City.
Pep Guardiola ayaan diyaar u ahayn inuu ciyaartoy kale siiyo tababare ku xigeenkiisii hore ee Mikel Arteta oo ugu dambayn mashruuciisa Arsenal u muuqdo mid qaabaysmaya.
Maamulka City ayaa ka cadhaysan sababta ay laba xiddig oo kooxdooda koowaad ah uga iibiyeen kooxda haatan tartanka ugu weyn kala galaysa horyaalka.