Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ku sigtay in isaga oo xidhan garanka xulka qaranka Australia uu ka hor yimaaddo Argentina, isaga oo waliba ku doodaya in uu u dhashay Australia, waana sheeko qariib ah oo hadda soo baxday xilli labada waddan ay isku diyaarinayaan kulankooda caawa.
Xulalka Argentina iyo Australia ayaa caawa ku kala bixi doona wareegga 16ka Koobka Adduunka iyadoo uu midkood iska xaadirin doono marxaladda siddeedda, midka kalena uu tartanka macasalaamayn doono.
Lionel Messi ayaa hoggaaminaya xulka qaranka Argentina isaga oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda waddankiisa oo 168 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey 93 gool, waxaase saaran culays weyn oo ah inuu u qaado Koobka Adduunka, si uu u gaadho heerka qiimaynta halyeyga la barbar-dhigo ee Diego Maradona.
35 jirkan ayaa sida ay muujinayaan xogo la helaya, waxa uu ku sigtay inuu noqdo muwaadin reer Australia ah oo metelaya xulka dalkaas, isla markaana ka hor yimaadda Argentina.
Wariyaha ciyaaraha ee Guillem Balague ayaa buuggiisa ‘Messi: The Definitiv Biography’ waxa uu ku sheegay xogo xaasaasi ah oo la xidhiidha taariikhda Lionel Messi iyo qoyskiisa, waxaana qaybo ka mid ah buuggan uu ku caddeeyey in Messi uu qarka u saarnaa inuu u ciyaaro Australia.
Sannadihii 1980-meeyadii, waxa waddanka Argentina ku habsaday qalalaasase dhaqaale, waxaanay qoyska Lionel Messi ku fikireen inay iskaga guuraan dalkaas iyaga oo fursad ka helay Australia oo diyaarr u ahayd in ay qaabbisho oo ay dhalasho siiso.
June 24, 1987kii, aabbaha dhalay Lionel Messi ee Jorge iyo qoyska ayaa go’aansaday in aanay sii deggenaadaan magaalada Rosario iyaga oo markii hore ku tashaday inay u guuraan Australia, taas oo haddii ay dhici lahayd ka dhignaan lahayd in Messi uu ku dhasho Australia oo uu noqdo muwaadin u ciyaara xulka qaranka Soccoroo.
“Argentina waxay ka dhacay qalalaase. Lacagtooda ayaa qiime dhacday, dadkana shaqo la’aan ayaa ku habsatay. Dad badan oo reer Argentina ayaa muhaajiriin noqday oo u guuray Yurub iyo meelo kale iyaga oo tahriibeyaal ah.” Ayuu Guillem Balague ku yidhi buuggiisa.
Waxa uu intaa sii raaciiyey: “Jorge Messi (aabbaha Lionel Messi) iyo qoyskiisu waxay yeesheen wada-hadal xaasaasi ahaa ka hor intii aanu Leo dhalanin, waxaanay ku fikirayeen inay u guuraan Australia oo ay ku noolaadaan.
“Waxa jiray dad kale oo u guurayay Australia waqtigaas, laakiin ugu dambayntii waxay go’aansadeen inay iska joogaan Rosario. Leo ayaa markaas kaddib dhashay. Markii ay da’diisu ahayd 12 jir ayuu Barcelona tijaabo ku tegay.”