Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

CAJIIB: Lionel Messi Oo Doonaya Inuu Garoonka PSG Geeyo Koobka Aduunka & Aragtida Kooxda Oo La Ogaaday

by Apdihakem Omer Adam
December 23, 2022
0
SHAXDA KOOBKA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Koobka Aduunka Oo Qiimayn Lagu Soo Saaray

Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayay wararku sheegayaan inuu doonayo inuu gegida kooxdiisa Paris Saint-Germain ee Parc des Princes geeyo Koobka aduunka ee uu Argentina kula guuleystay.

ADVERTISEMENT

Messi ayaa ahaa hoggaamiyaha Argentina ee Finalkii Koobka aduunka Axadii isagoo laba gool ka dhaliyay ciyaar ay rigoorayaal guul ku gaadheen oo aad u xiiso badnayd.

Sida lagu sheegay haatan wargeyska Goal, 35 sano jirkaas ayaa doonaya inuu Parc des Princes kusoo bandhigo Koobka aduunka balse maamulka PSG ayaa ka cago-jiidaya.

Haddii aysan Argentina xul aan ahayn France kaga guuleysan lahayd Koobka aduunka kaddib ma jirteen sabab ay Paris u diido in Messi Koobka keeno garoonkeeda balse haatan ayay ka cabsi qabaan dhibaato kaga timaada jamaahiirtooda.

ADVERTISEMENT

Marka laga yimaado jamaahiirta sidoo kale haddii uu Messi talaabadaas qaado ayay qalbi jab ku abuuri kartaa xiddiga kaliya ee Paris xulka France ugu jiray ee Kylian Mbappe oo Finalkii saddex gool ka dhaliyay balse haddana Koobka waayay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Koob iyo koob la’aanba dib u midawga Messi iyo Mbappe ayaa noqon doona mid aan fiicnayn gaar ahaan in goolhayaha Argentina ee Emiliano Martinez dhawr jeer ku maadsaday Mbappe inta dabaaldegoodu socday iyadoo uu markhaati ka yahay Messi oo kabtankiisa xulka ahi.

Kooxda tababare Christophe Galtier ayaa kusoo laabanaysa tartamada 28-ka bishan iyagoo soo dhawayn doona kooxda Strasbourg xilli ay shan dhibcood hoggaanka Ligue 1 kaga hayaan kooxda Lens.

ADVERTISEMENT
Share330Tweet206
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.