Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa u muuqda mid suuqa kala iibsiga ku maadsanaya isagoo xataa suuqa bisha January oo aan dhaqdhaqaaq badan looga baran ka samaynaya saxeexyo badan.
Blues ayaa durba la wareegay xiddigaha kala ah Benoit Badiashile, Andrey Santos iyo Datro Fofana, waxa intaas u dheer Joao Felix oo kaliya in saxeexiisa la shaaciyaa hadhsan tahay iyo Christopher Nkunku oo ay sii dhammaystireen balse xagaaga dambe usoo wareegaya.
Chelsea ayaa xalay markaliya saxeexa Felix kaga guuleysatay kooxaha Man United iyo Arsenal oo iyagu diidanaa inay 11 Milyan oo euro oo amaah ah ku bixiyaan ciyaartoy shan bilood la joogaya isla markaana waliba mushaharkiisa wada daboolaan mudadaas.
Chelsea ayaa degdeg u gashay arrinta Felix iyagoo aqbalay shuruudaha ay wadatay Atletico Madrid taas oo dhalisay inay 23 sano jirka ree Portugal gacanta ku dhigaan.
Haatan wargeyska The Times ayaa sheegaya in kaddib Felix ay Chelsea u dhaqaaqi doonto weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram iyo garabka weerar ee PSV ee Noni Mudueke.
Dhawaan ayay ahayd markii saxafiga xog-ogaalka ah ee Fabrizio Romano uu sheegay in Chelsea wadahadal Monchengladbach kala furtay saxeexa Thuram oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo suuqan January-na qiimo jaban lagu heli karo.