Lionel Messi waa xiddiga ugu fiican taariikhda Barcelona, wakhtigiisii ayaa ahaa midkii ugu guulaha badnaa isagoo koobab badan lasoo qaaday, ah gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda iyo xiddigooda ugu safashada badan.
Messi ayaa Barcelona sanadkii Newell’s Old Boys kaga soo biiray 2000 wuxuuna joogay 21 sano kooxdaas kahor inta uusan qaab xor ah ugu biirin Paris Saint-Germain.
Barcelona ayaa ku dhibtootay inay la qabsato nolosha Messi la’aanta ah balse u muuqata ugu dambayn mid kusoo laabanaysa wadada saxda ah.
Barca ayaa suuqan January kaliya hal saxeex samaysa waana da’yarka 16 sano jirka ah ee ree Argentina ee Lucas Roman oo kaga soo biiray kooxda Ferro.
Haatan madaxweynaha kooxdiisii hore ee Ferro ninka lagu magacaabo Daniel Pandolfi ayaa sheegay in Barca ay u sheegtay inay Roman ka dhex aragto wixii ay ka aragtay Lionel Messi markii uu da’diisa ahaa.
“Waxay iigu sheegeen Barcelona dhexdeeda inay Roman oo 16 sano jir ah ka dhex arkeen wax lamid ah Messi” ayuu yidhi Daniel.