CAJIIB: Afartii Ciyaartoy Ee Sababta U Ahaa Guul-darradii Barcelona Ee Xalay Oo La Magacaabay & Lewandowski Oo Safka Hore Ku Jira

Bayern Munich ayaa 2-0 ku garaacday Barcelona kulankoodii xalay ee Champions League ee ka dhacay Allianz Arena. Laba gool oo ay kala dhaliyeen Lucas Hernandez iyo Leroy Sane afar daqiiqadood gudahood oo qaybta labaad ahaa ayaa Barcelona usoo jiiday guul-darraddan.

Barcelona ayaa ahayd kooxda fursadaha badan ee sidoo kalena ciyaarta fiican dheeshay, waxaase la degay afar ciyaartoy oo dusha loo saaray eedda khasaaraha soo gaadhay kooxda tababare Xavi Hernandez, waxaana ciyaartoydaas hormood u ahaa Robert Lewandowski oo ay u ahayd markii ugu horreysay ee uu ka hor tago Munich oo uu xagaagii ka tegay.

Kooxda reer Spain ayaa saddexda dhibcood qaadan lahayd  qaybtii horeba haddii ay ka faa’iidaysan lahaayeen fursadihii ay heleen, halka qaybtii labaad uu tababaraha Bayern Munich ee Julian Nagelsmann uu sameeyey hal beddel oo ciyaarta waji kale u yeelay oo kooxdiisa sabab ugu noqday guushan weyn.

Advertisements

Afar ciyaartoy ayaa Barcelona u horseeday guul-darradan, waxaana uu midka ugu horreeyaa yahay Robert Lewandowski oo awoodi waayey in uu dhamyastiro fursadihii uu helay. Laacibkan oo lix ciyaarood oo uu usoo dheelay soo dhaliyey siddeed gool, ayaa indhoole ka noqday goolka uu waardiyaha ka yahay saaxiibkiisii hore ee Manuel Neuer.

34 jirkan ayaa qaybtii hore shan fursadood oo dahabi ahaa khasaariyey, waxaase uu mar  kale fursad u heli doonaa in uu kooxdiisan hore waajaho October 26 oo ay ciyaartooda labaad ku kulmi doonaan Camp Nou.

Ciyaartoyga labaad ee la degay kooxdiisa Barcelona waxa uu ahaa Ronald Araujo oo inkasta oo lagu tilmaamo ciyaartoyda ugu mustaqbalka wanaagsan ee horumarka badan sameeyey 12kii bilood ee ugu dambeeyey, haddana waxa uu iska istaagay oo uu fasaxay Hernandez oo goolka hore dhaliyey, halka uu sidoo kalena qalad weyn ku lahaa goolkiui labaad ee uu Leroy Sane dhaliyey.

Difaaca bidix ee reer Spain ee Marcos Alonso ayaa isagana ay u ahayd habeen aan wanaagsanayn iyo kulankiisii koowaad ee Champions League ah ee uu ugu soo bilowdo kooxdiisa cusub. Jordi Alba ayaa laga doorbiday oo kaydka ku jiray, waxaana 45kii daqiiqadood ee hore uu muujiyey ciyaar sarraysa balse qaybtii labaad ayaa uu seexday.

Alonso ayaa ogolaaday in Joshua Kimmich uu dhinaciisa si fudud uga soo galo ka hor intii aanu kubadda madaxa u saarin Lucas Hernandez oo furay gool-dhalinta.

Waxa kale oo qayb weyn ku yeelanaya guul-darrada Barcelona, xiddiga reer France ee Ousmane Dembele oo xilli ciyaareed wanaagsan ku jira, laakiin laba gool oo uu soo dhaliyey xilli ciyaareedkan iyo afar uu caawiyey ayaa uu waxba raacin waayey xalay.

Ousmane Dembele ayaa u muuqanayay in uu yahay khatar marka uu kubadda qaato, waxaanu dhawr jeer si xun u karbaashay difaacyahannada Bayern Munich hase yeeshee dhamaystirkii iyo caawintii ayaa midna laga waayey, waxaanay kubbadihiisu ku lumayeen laynka garoonka iyadoo darbadihiisuna ahaayeen kuwo uu cirka ku tooganayo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada