Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Bye…Bye! Xiddiga Uu Baro-bixinayo Cody Gakpo Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Liverpool

by Abdiwahab Ahmed
December 28, 2022
0
YAA CELIN KARA? Shaxda Halista Ah Ee Liverpool Ku Ciyaari Doonto Kaddib Saxeexa Gakpo

Kaddib saxeexii Cody Gakpo, waxa Liverpool ka xidh-xidhay xiddig ay boos la’aani ku dhici doonto oo aan heli doonin meel uu ka ciyaaro, kaas oo horeba ugu dhibaatoonayay kursiga kaydka iyo dhaawacyo.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa Isniintii shaacisay inay la saxeexatay weeraryahanka reer Netherlands ee Gakpo oo ay kala soo wareegayso PSV Eindhoven, isla markaana maalmaha soo socda tijaabada caafimaadka ku mari doona England ka hor inta aanu si rasmi ah ula midoobin kooxdiisa cusub.

Cody Gakpo oo ah ciyaartoyga ugu wanaagsan Yurub xilli ciyaareedkan marka laga eego goolasha uu ku lug yeeshay ayaa waxa uu dhaliyey 13 gool iyo 17 kale oo uu caawiye ka noqday 24 ciyaarood oo uu saftay, taas oo ka dhigan inuu ka qayb-qaatay 30 gool, waana ciyaartoyga ugu badan Yurub oo dhan xilli ciyaareedkan.

Garabka bidix ee weerarka ee ah booskiisa dabiiciga  ah ayuu Gakpo kula tartami doonaa Luis Diaz oo dhaawac ku maqnaanaya illaa bisha March, waxaana uu haystaa saddex bilood oo uu ku xoraysto booskiisa, laakiin waxa kale oo uu ka ciyaari karaa weerarka dhexe  iyo xataa khadka dhexe.

ADVERTISEMENT

23 jirkan ayaa waxa uu imaatinkiisa Anfield ka dhigan yahay in Darwin Nunez uu kusoo laaban doono weerarka dhexe ee looga riixay dhinaca bidix markii uu dhaawacmay Diaz, waxaanay dagaallami doonaan labada ciyaartoy ee kale ee Roberto Firmino iyo Diogo Jota oo dhaawacyo ku maqan.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Xiddigii hore ee xulka qaranka Republic of Ireland ee Tony Cascarino ayaa sheegay in saxeexa Gakpo uu dibedda u tuuri doono weeraryahanka Brazil ee Roberto Firmino oo uu iskaga tegi doono Anfield sababtoo ah weerarka dhexe waxa xulashada uga horreyn doonaa Nunez iyo Jota, taas oo ka dhigi doonta mid kursiga kaydka iska fadhiya,

Tony Cascarino oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in kaddib saxeexa Gakpo, in Firmino uu ka tegi doono Liverpool.”

Si kastaba, Roberto Firmino oo sannadkii 2015 ay Liverpool kasoo iibsatay kooxda reer Germany ee Hoffenheim ayaa ka mid ah ciyaartoyda loogu jecel yahay Anfield, isaga oo kula guuleystay wax walba oo suurtogal ahaa muddadii uu joogay kooxda.

31 jirkan ayaa la filayaa inuu si xor ah ku tegi doono sababtoo ah qandaraaskiisa ayay ka hadhsan yihiin lix bilood oo kaliya, illaa haddana ma jiraan kooxo si dhab ah loola xidhiidhinayo oo dalabyo usoo gudbiyey.

ADVERTISEMENT
Share412Tweet257
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.